Kismaayo oo maalintii Labaad Colaad ku jirta
Kismaayo June 29,2013(SDN)-Magaalada Kismaayo ayaa maanta markii labaad dagaal ku jirta ka dib kolkii ay ciidamada Col Bare Hiiraale iyo kuwo ka amar qaata Axmed Madoobe ay halkaasi iasku wejeheen.
Dagaalka ayaa si weyn u saameeyay xaafadaha Farjano iyo Faanoole oo ay ciidamada dagaalamayaahi isku wejeheen.
Waxana magaalada ka socda qax dadku isaga yaacayaan colaadan soo laalaabatay.
Muranka dagaalka sababy ayaa la xiriirta ka dib kolkii magaalada Kismaayo looga dhawaaqay laba maamul oo isku magac ah oo ay kala hogaaminayaan Col Bare Hiiraale iyo Axmed Madobe.
Magaalada waxa ku sugan ciidamo ka socda Africa oo u xaglinaya dhanka Axmed Madoobe oo ay dhici kartana in ay dagaalka ku biiraan.
SDN-Kismaayo