Kismaayo oo ay dib uga bilaabatay in si sharci daro ah looga dhoofiyo Dhuxusha
Kismaayo Nov 07,2012(SDN)-Ciidamada AMISOM ee gacanta ku haya dekedda magaalada Kismaayo ayaa fasaxay in ay halkaa ka shiraaqdaan Marakiib iyo doonyo wada shixnado dhuxul ah.
Gollaha amaanka iyo dawlada Soomaaliya ayaa hore u mamnuucay ka gancasiga iyo dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya khaasatan magaalada Kismaayo.
Ilo wareedyo ku sugan guddaha dekedda Kismaayo ayaa xaqiijiyay in sadex markab oo waaweyn iyo ilaa 10 doomood oo sida dhuxul aad u faro badan in ay shalay ka shiraaqdeen dekedda Kismaayo.
Ma cada halka dhuxushaasi loo raray balse sida caadada ah wax dhuxusha Soomaaliya khaasatan ta Kismaayo hore looga raro jiray waxa la geyn jiray dalalk Khaliijka inteeda badan.
Ganacsatadii ka dhoofin jirtay dhuxusha dekedda Kismaayo ayaa xanibaadii ka dib sii waday ururinta Dhuxusha.
Dhuxusha hada taala guddaha dekedda magaalada Kismaayo ayaa lagu qiyaasay aduun dhan $20 million oo dollarka Mareykanka ah.
AMISOM ayaan dafirin in Dhuxul laga dhoofiyay Kismaayo balse sheegtay in aaney masuul ka aheyn is hortaaga dhuxusha la dhoofinayo.
Dawlada Soomaaliya ayaan weli ka hadal dhacdadan u danbeysay ee dhuxusha looga dhoofiyay dekedda Kismaayo.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com