|

Kismaayo: Markab sida raashin gargaar ah oo ku xirtay dekedda Magaaladaas

Kismaayo 20.Aug 2013 (SDN)-Markab sida raashin gargaar ah ayaa maanta ku xirtay dekedda magaalada Kismaayo.

Markabka oo sida raashin ay ku deeqday hay’adda Bisha Cas ee Turkiga ayaa raashinka uu wado waxay isugu jiraan 20 kun oo kiish oo bariis, bur iyo saliid isugu jira.

Axmed Warsame oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo markabka la socda ayaa sheegay in deeqda ay qeyb ka tahay deeqaha dowladda Turkiga ay ka qeybineyso Soomaaliya.

Axmed wuxuu sheegay in raashinka saaran markabka ay isla maanta ku wareejiyeen madaxda maamulka Jubbaland u qaabilsan arrimaha bini’aadannimada, si raashinka loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan Jubbooyinka.

Aw-Yuusuf Maxamed oo ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa uga mahad-celiyay hay’adda Bisha Cas ee Turkiga raashinka gargaarka ah ee ay hay’addu keentay Kismaayo.

Aw Yuusuf wuxuu sheegay in isla berri oo Arbaco ah ay billaabi doonaan qeybinta raashinka.

Kismaayo SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed