Kismaayo :Guriga Siyaasiga Xasan Baasto oo Weerar Is Miidaamin ah lagu Qaaday Wiil uu dhalay,Sodohdii, Iyo Sadex Askari oo Ilaaladiisa ah oo ku Naf Waayay
Kismaayo 18.July 2014 (SDN/QJ)- Weerar ismiidaamin ah oo uu geystay qof isa soo miineeyay ayaa galabta lagu qaaday guri uu deggen yahay siyaasi ka tirsan maamulka Jubaland ee ka dhisan magaalada Kismaayo.
Guriga Iftin Xasan Baasto oo ka mid ah siyaasiyiinta ka tirsan maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed madoobe,ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday qof isa soo miineeyay oo beegsaday guriga siyaasigan.
Isqarxiyaha markii uu guriga galay guriga waxaa uu beegsaday halkii ay ku sugnaayeen ciidanka ilaalada u ahaa Iftin baasto ciidankiisu waxaanu halkaa ku dilay is qarxiyuhu sadex ka mid ah askartiisa iyo wiil uu dhaylay iyo sodohdii .
Waxaa kaloo halkaa ku dhintay qofkii is qarxinayay
Kismaayo SDN/QJ
contact@qurbejoog.com