|

Kiisaska argagixisada oo kusoo badanaya gudaha Somaliland

Hargeysa. 26 December, 2022. (QJ)- Muddooyinkii ugu danbeeyay waxa gudaha Somaliland kusoo badanaya kiisaska argagixisada iyo dadka loo haysto tuhuno la xidhiidha falal argagixiso.

Qurbejoog ayaa ogaatay in tobanaan kiis oo ku saabsan argagixiso la keenay maxkamadaha Somaliland agar ahaan gobolka Maroodijeex arintan oo dad badani aanay ka war hayn, balse fadhiyadoodu ay furan yihiin dadka caadiga ah in ay dhagaysan karaan.

Kiisaska lagu arkay Somaliland waxa ka mid ah in saraakiil sare oo ka tirsan Daacish iyo alShabaab ay yimaadeen kuwaas ooo lagu maxkamadeeyay falalka ay ka wadeen gudaha Somalilnad waxaana gacanta ku dhigay ciidamada sirdoonka, iyadoo qaarkood ay xukunada dhammaystaan qaarna lagu sii daayo damaanado wadiiqooyin dheer marta.

Hay’adda Crisis Group ayaa dhawaan ka digtay in muranka doorashooyinka Somaliland oo sii dheeraada uu fursad siinayo kooxaha argagixisada ee gobolka oo imikaba joga Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag, sida ay xustay Crisis Group.

Doorashooyinkii dhawaa ee Somaliland iyo dibad baxyadii dalka ka dhacay ayay kooxaha argagixisadu qorshaynaysay in ay weeraro gudaha laga abaabulay ay dhex raaciyaan, balse isku dayo dhawr ah ayay fashiliyeen Sirdoonka Somaliland, sida ay xogta ku heshay warbaahinta Qurbejoog.

Dad badan ayaa is waydiinaya sababta uu Muuse Biixi iskaga dhego tiro halisaha Somaliland ku gedaaman ee uu u qaato go’aano halis ku ah deganaanshaha.

Comments are closed