|

Kiinya oo nin Soomaali ah ku xukuntay 12 sano

Nairobi May 21, 2024 (QJ) -Dowladda Kenya ayaa 12 sano oo xarig ah ku xukuntay Maxamed Cabdi Cali oo loo yaqaan Abuu Fidaa iyo Abuu Shuhadaa, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Shaqsigan ayaa la qabtay sanadkii 2016-kii, waxaana uu sugayay maxkamad tan iyo xilligaas. Xafiiska agaasimaha dacwad oogista dalka Kenya ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in eedeysanaha lagu helay danbi ah in uu xubno u qori jiray Daacish.

Xeer ilaalinta ayaa horay u codsatay in lagu xukumo ilaa 90 sano, sababo la xiriira culeyska eedeymaha iyo saameynta ay ku yeelan karto ammaanka Kenya.

Kenya ayaa haatan isu muujineysa inay hormuud ka tahay la dagaalanka argagixisada gobolka, iyadoo sheegtay inay ka taageerto dalalka Soomaaliya oo kale ah dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah sida Al-Shabaab.

Comments are closed