Kiinya oo khashiftay heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland
Nairobi December 11, 2022 (QJ) Dawlada Kiinya ayaa shaacisay in heshiis ay dhawaan Jabuuti ku gaareen madaxda Soomaaliya iyo Somaliland.
Monica Juma oo ah la-taliyaha madaxweynha Kiinya ee dhanka amniga ayaa barteeda twitter ka ku shaacisay in ay soodhaweynayaan heshiiska bisha sideedii ay madaxda Soomaaliya iyo Somaliland isula qaateen sii wadida wadahadaldii dib u heshiisiinya ee labada dhan.
“Waxaan soo dhawaynaynaa sida ay uga go’an tahay dhammaan dhinacyada inay ku socdaan waddada nabadda waarta. 8-dii December, Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Somaliland waxay ku heshiiyeen dib u bilaabista dib u heshiisiinta” ayay tiri Monica Juma.
Mucaaridka Somaliland ayaa sheegay in Madaxweynaha mudo xileedkiisa sharciga ahaa uu dhamaaday bixii hore aanu Somaliland ku metelin wadahadalada.
Madaxweyne yaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo la sheegtay in Jabuuti u tageen guurka gabar uu dhalay Madaxweynaha Jabuuti ayaan bulshada la wadaagin in ay heshiis halka ku gaareen.