Kiinya oo ka cabatay Digniinta Mareykanku u jeediyay dadka Dalxiiska Kiinya u taga
Nairobi June 24,2012(SDN)-Dawlada Kiinya ayaa cabasho uga jawaabtay hadal digniin ahaa oo Mareykanku Jimcihii ku sheegay in dalkaasi ay ku soo wejahan tahay weeroro argegixiso.
Mareykanku waxa uu digniintiisa ku sheegay in dalxiiseyaasha booqda Kiinya ay haboon tahay in ay safarkooda dib u dhigtaan.
Wasiirada dalka Kiinya ee Adeega Bulshada Francis Kimemia iyo Dalxiiska Dan Mwadzo ayaa saxaafada u sheegay in ay dawladoodu Safaarada Mareykanka si toosa uga codsatay in hadalkaa ay ka noqoto.
Wasiirada ayaa carabka ku adkeeyay in Mombasa ay si weyn ugu tiirsan tahay Dalxiiseyaasha,isla markaana aan la awoodi karin in hadalo noocana la sii daayo.
Kiinya ayaa Dalxiiseyaasha dalkooda booqda ka hesha lacago adag oo door muhiima uga jira miisaaniyada dalka.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com