|

Kiinya oo baadogoobeysa 35 ruux oo ka tirsan AS

Nairobi October 25, 2023 (QJ)-Dowladda Kenya ayaa maanta shaacisay 35-qof oo ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarradii dhawaan ka dhacay gobolka Lamu.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday booliiska Kenya, gaar ahaan waaxda dambi baarista ee DCI, waxaa lasoo bandhigay magacyada 35-qof oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarro xooggan oo ka dhacay gudaha Kenya.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa in shaqsiyaadkan looga shakisan yahay inay weeraro khasaare geystay ka fuliyeen gobolka xeebta Lamu. Kenya ayaa ugu baaqday shacabka inay la wadaagaan xog kasta oo ay ka hayaan shaqsiyaadkaas, waxayna cadeysay inay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo ku saleysan xog lagu kalsoonaan karo.

Kenya ayaa dhowr jeer waxaa ka dhacay weeraro halis ah oo loo aaneynayo dagaalyahannada Al-Shabaab. Dalku wuxuu sii wadaa inuu si firfircoon uga qayb qaato dadaallada looga hortagayo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab, labadaba gudaha Kenya iyo qayb ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Comments are closed