Khudbadii musharaxa madaxweyne kuxigeenka ucid Md abdi rashid xasan mataan uu ka jeediyey xafladii loogu dabaal dageyey guusha uu xisbiga ucid uu mar labaad ku hantay xisbinimada halkan ka dheeho
BISMILAAHI RAXMANI RAXIIM, ALXAMDU LILAAH,
A SALAATU WASAAMU CALAA RASUULI LAAH SCWS
S/Land Guul S/Land Guul S/Land Guul
Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka GUUL::::Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka GUUL
(KampalaSDN)Guddoonka Jaaliyadda S/Land, Garabka Haweenka, Ka Dhalinyarada, Dhammaan Aqoonyahanka iyo martisharafta kale waxan idinku salaamayaa salaanta islaamka: ASALAAU CALAYKUM WA RAXMATU LAAHI WA BARAKAATAHU
1. Waxa farxad ii ah inaan idinkala soo qaybgalo xafladan aad ugu dabaaldegaysan ka mid noqoshada xisbiga UCID ee saddexda xisbi qaran ee S/land 10ka sano ee soo socda; Waxan ku hambalyayanayaa dhammaan taageerayaashii UCID dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba guusha xisbiga UCID. Waxay guushaashi ku timi dedaalkii uu hormoodka ka ahaa Guddoomiyaha xisbiga oo go’aansaday in uu saaxadda siyaasadda soo geliyo Dhalinyaro Aqoonyahano ah oo dhiirigaliyey shacabka waana takeentay guusha xisbiga; waad dadaasheen, dadaalkiiniina guul buu keenay waana ilaahay mahaddii in uu Xisbigii Caddaaladda iyo Daryeelku ku soonoqdo Saaxadda Siyaasadda markale. Waxan idin leeyahay HAMBALYO.
2. TACSI: Waxaan tacsi u dirayaa eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dhalin yaradii ku geeriyootay dhibaatooyinkii ka dhacay shaqaaqadii dooroshooyinka, oo kuwii ugu dambeeyey maanta galabnimadii ku geeriyoodeen banaanbaxyadii ka dhacay Boorama.
Waxan leeyahay waa ayaan darro waxaan ka raali gainaya dhammaan shacabka S/land nidaamxumadaa iyo faro gelinta golaha deegaanka.
Dawlad kasta ama xukuumad kasta oo S/Land soo marta waxaa qormaysa taariikhdeeda, waxaana lagu xasuusan doonaa habdhaqankeeda iyo wax qabadkeeda:
· Waxan xusuusanahay in Xukuumaddii uu Hoggaaminayay allaha u naxariistee Marxuum M I Cigaal ay ahayd tii Salka u dhigtay dawladnimada S/land;
· Waxaa iyana xusid mudan in Xukuumaddii uu hoggaaminayay Mudane Riyaale ay ahayd tii ku dhiiratay hirgalinta dimuqraadiyadda, qabatayna 4 doorasho oo si nabad iyo sharaf ah ku dhammaaday, dooroshooyinkaasoo oo isugu jiray kuwo deegaan, Baarlamaan iyo laba doorasho oo madaxtooyo isla markaana qaarkood ahaayeen kuwo aan lagu galin diiwaan galin, dhammaan dooroshooyinkaasi wax dhibaato ahi kama iman, ugu dambayna waxa si sharaf leh loola kala wareegay taladii dalka ugu mudnayd; waa mid uu sharafkeeda leeyahay Mudane Riyaale iyo xukuumaddiisii.
· Maanta waxaan xusaynaa in doorashadii ugu horreysay ee uu qabtay xisbul-xaakimka talada dalka haya ee Kulmiye, ee uu hoggaaminayo Mudane A M M Siilaanyo, in ay noqotay doorasho tayadeedu hooseyso oo cabasho badan, oo ay ka dhaceen dhimasho iyo dhaawac, taasoo aad wax ugu dhintay sumcaddi S/Land hoosna u dhigtay maqaamkii aynu ka joognay caalamka;
waxan leeyahay waxqabad kasta waxa ka horreeya in la badbaadiyo nafta ubadka waayo waa mustaqbalka dadkan iyo dalkani leeyahay;
· Waxaan Xisbiga talada haya xasuusinayaa in ay u hadheen doorashooyin kale lagana sugayo nidaan doorosho oo ka tayo badan kaa deegaanka, nidaam leh caddaalad, waxaanan xusuusinayaa in caddaalad la’aani tahay nolol la’aan.
3. Waxan u mahad celinayaa siyaasiyiiintii iyo taageerayashii ururadii Xaqsoor, RAYS, DALSAN iyo UMMADA: waxan leeyahay waxaad mujiseen bisayl siyaasadeed, waxad muujiseen dulqaad iyo waddaniyad, waxaad u taagnaydeen adkaynta dimuqraadiyadda iyo horumarinta dalka iyo sidii nidaam ka wanaagsan ka maanta jiraa uu dalka uga hirgali lahaa.
Waxaan halkan ka caddaynayaa in fariintiinii ay gudbi doonto oo uu Xisbiga UCID noqon doono xisbi idinku matala shacabka S/Land gudo iyo dibadba oo gudbiya uhawlgalka dimuqraadiyad dhaba iyo nidaam wanaagsan oo dalka ka dhaca.
4. FARIINTA GAAR AH: Waxan Jeclahay in aan fariin u diro Dhalinyarada la doortay ee ku soo baxay golayaasha deegaanka ee degmooyinka S/land:
Fariintani waa mid guud, waa mid ku socota xildhibankasta oo soo baxay, degmo kasta ha ka soo baxee, marka hore waxan idin leeyahay HAMBALYO, marka xiga:
· Aan kaftanba ka dhigo eh waxaad ogaataan in aad tihiin ABUURKII ama “Seed” kii UGU HOREEYEY isbeddelka dhabta ah ee aynu ka rabno in uu ka hirgalo S/land (Transformation of S/Land), waayo waa markii ugu horreysay ee dhalinyaro aqoonyahano ahi ku dhiiradaan tartankani, taasoo ah astaanta Xisbiga UCID.
· Waxad ogaataan in Shacabku idinka sugayo hawlgal ka duwan kuwii idinka horeeyey.
· Waxaad ogaataan in aad ku timaadeen rabitaanka shacabka oo la idiin codeeyey, kuma aydaan iman wareegto wasaaradeed.
· Waxaad ogaataan inaad tihiin xildhibaanadii uu deegaanku u igmaday inay hoggaamiyaan barnaamijyada: wax qabad, kuwa wax soo saar, kuwa horumarineed, kuwa adeeg IWM.
· Waxaad ogaataan in hawl badani idin sugayso, oo u baahan soojeed badan, talo badan iyo dadaal dheeraada
· Waxan kalsooni badan ku qabaa in aad suurto galin doontaan isbeddelka la sugayo haddii aad la timaadaan, hawlkarnimo wadata caddaalad iyo daacadnimo.
· Waxan idinku adkaynayaa inaad noqotaan kuwo isu tashada ee aan kala tashan; kuwo leh ujeeddo mida oo aan lahayn ujeeddooyin kala duwan; kuwo aan u qaybsamin xisbiyo ee xaafado ee u midooba danta iyo u adeegga bulshada deegaanka.
· Waxan idinku adkaynayaa in aad si fiican u aqoonsataan awoodda uu dastuurku idin siiyey, nidaamka cashuuraha, qaabka ugu habboon ee loo aruuriyo, iyo ka loo isticmaalo
· Waxan idinku adkaynayaa in aad yeelataa qorshe cilmiyeysan oo leh xisaabtan.
· Waxaan idinku adkaynayaa inaad wada shaqayn fiican la yeelataan hay’adaha dowladda dhexe iyo kuwa gobolkaba laakiin aad ka digtoonaataan in ay isu-milmaan awoodihiinu iyo si aad uga badbaadaan faro galin idinku timaad.
· Xukuumaddana waxan kula dardaarmayaa, inay ka waantoobaan farogalinta doorashada iyo maamulada deegaanadam gaar ahaan doorashadii iyo ansixintii maayarrada oo qaarkood wali qabyo yihiin, sida Seylac oo loo tirinayo faragalin kaga socota dawladda dhexe, xukuumaddu waajibkeedu waa inay xoojiyaan awoodaha iyo maamulada deegaanada kana dhowrsadaan inay faro galiyaan awooda deegaanada, taasaana danta dalka iyo dadkuba ku jirtaa.
· Waxaan ku soo koobi dardaarankaygan duco: Waxan idin leeyahay Ilaahay ha idiin fududeeyo xilkaa aad qaadeen, allah idinka dhigo kuwo isu samra, wada tashada, una midooba wax qabad iyo allah ka cabsi.
5. S/land waxay ku timi rabitaanka shacabka, walaalahayaga Soomaaliya iyo dowladaha jaarka ah iyo caalamkaba waxan leenahay, anaga ayaa is aqoonsan, mid caalamina waanu gaadhi waayo waa go’aan iyo rabitaanka shacbigayaga cid celin kartaana ma jirto.
UGUDAMBAYN: Waxan aad iyo aad u salaamayaa dhammaan dhalinyarada faraha badan ee hortayda fadhiya oo u badan arday jaamacado sare u yimi dalkan Uganda, waxan leeyahay idinka iyo kuwa dalkii wax ku baranaya iyo inta dalalaka kale ee caalamka wax ku baranaysaba waxad tihiin mustaqbalkii ummadda S/LAND waa in aad qalbiga ku haysaan sidii aad guul uga gaadhi lahaydeen geeddigiinan aad ugu jirtaan waxbarashada, iyo inaad dalka ku noqotaan oo aad dhabarka u dhigataan in aad dalka & dadka u shaqaysaan.
Waxaa mahad dheeraad leh intiinii soo diyaarisay xafladdan iyo intiina ka soo qaybgashayba, xafladiina way idiin furan tahay, halkaana ka sii wata dabaaldegiina
ALLAA MAHADLEH,
SOMALILAND GUUL
Wariye khadar bitijoor
SOMALIDIASPORANEWSNEWS
Ugandha office