|

Khudbadda Wasiirka Hawlaha Guud Md. Cali Marreexaan ka Jeediyey Madal Xildhibaano ku Biiray Xisbiga Kulmiye DAAWO

Hargaysa 04.Novembar 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Md. Cali Xasan Maxamed (Cali-marreexaan), ayaa isaguna soo dhaweeyey xubnaha cusub ee xisbiga ku soo biiray, waxaannu hoosta ka xarriiqay inay cudud iyo cuudba tari doonaan xisbiga KULMIYE, waxaannu yidhi, “Ujeeddadeenu waa ololaa soo socdaa halkii la is yidhaahdo rag baa ku maqan iyo gol-daloolay noqon kartaaba waa la giigiijinayaa, maanta deegaanadaas aad kasoo jeedaan cid innagaga maqani ma jirto, dadkii ummadda u talinayey haddii ay madax siyaasadeed tahay iyo haddii ay madax dhaqan tahay waa lagu dhanyahay xisbiga, kuwii idinka soo horreeyeyna la mid baad tihiin oo isku meel baad joogaan.”

Comments are closed