Khudbadda Madaxweynaha JSL ee Wax-ka-qababashada Xaaladda HIV/AIDs-ka ee dalka {DHAGAYSO}
Hargaysa 25.Aug 2013 (SDN)- Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ku dhawaaqay Todoba qodob oo lagaga hawlgelayo hoos u dhiga marxaladda uu dalka ka marayo cudurka HIV-AIDS.
Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa ku wehelinayeen wasiirada wasaaradaha caafimaadka Dr saleebaan Ciise Axmed (Xaglo toosiye) iyo warfaafinta Md cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukusse) ayaa socdaalkiisu ku wajahnaa xog ogaal u noqoshada xaaladda kumushinkaasi oo uu ka yahay mas’uulka u sareeya.
Xoghayaha fulinta ee xafiiska Kumishinka Qaranka cabdi Cali jaamac ayaa kulankaasi ka sheegay in HIV_AIDS-ku yahay xanuun ka jiray Somaliland tan iyo bilowgii sagaashanaadkii hase yeeshee aanu illaa hadda gaadhin marxalad baahsan,inkastoo uu ka soo talaabay marxaladii hoose, loona baahan yahay in madaxa la jebiyo oo hoos loo dhigo maadaama uu hadda marayo 0.1%.
Halkan Guji oo Mobilkaaga ka dhagayso Codka Madaxweynaha
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/SiilaanyoHIV.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com