Khubaro Caalami ah oo Xabaal Wadareed ka helay Tuulada Abaarso
Hargeysa Oct 08,2012(SDN/Hubaal)- Khubaradii baadhista xasuuqii dhacay Xiliyadii Rajiimkii Siyaad Barre ka talinayay Somaliland ayaa xabaal wadareed cusub waxay shalay ka heleen meel 2 Km dhinaca galbeed ka xigta Magaalada Abaarso ee dulleedka Hargeysa.
Xabaal Wadareedkan ayaa lagu ogaaday kadib markii ay Cagafyo ay leedahay Shirkada Somcable ay soo saareen lafaha maytidan oo ku wada jira hal meel, Guddoomiyaha Guddida Daba galka Xasuuqii ka dhacay Somaliland Xildhibaan Khadar Axmed Maxamed ayaa sheegay in arrintani ay wax weyn ka tarayso sidii loo heli lahaa Xogo dhab ahaan u muujiya gabood faladii uu Taliskii Siyaad Bare ku Xasuuqay dadka aan waxba galabsan ee reer Somaliland ,isagoo intaas ku daray inay ka dalbadeen Shirkada Som Cable in Xadhiga ay dhulka hoostiisa Marinayso ay ka weeciyaan Goobta laga helay Xabaal Wadareedyadan.
Gudida Daba galka Xasuuqa ayaa kaashanaysa Khubaro caalamiga ah oo qaabilsan arrimaha baadhitaanka xabaal wadareedada, kuwaas oo dalka ku sugnaa illaa 26-kii bishii September ee la soo dhaafay, isla markaana booqday goobo ka mid ah xabaalaha malko dur-duro iyo goobta lagu magacaabo Badhka,oo Taliskii siyaad Barre dadka ku layn jiray.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com