Khubaro Caalami ah oo ku Hawlan Ogaanshaha Jinsiyadaha dadkii ku dhintay Xarunta Westgate
Nairobi 26.Sep 2013 (SDN)- Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole lenku ayaa sheegay in khubarro caalami ah ay ka waddo baaritaanno gudaha xarunta Westgate Mall.
Joseph waxa uu sheegay in kooxo ka socda dalalka Kenya, Israel, Canada, Mareykanka iyo Britain ay ku howlan yihiin baaritaanno lagu ogaanayo jinsiyadaha dableydii geysatay weerarka.
Waxa uu sheegay in aanu jirin meyd badan oo ku jira dhismaha, balse ay jiraan qaar ku aasan dhismaha saddex dabaq hoostooda markii ay soo dumeen.
Waxa uu sheegay in xilligan aanay suuratagal ahayn in la xaqiijiyo cidda ay u dhasheen dadka ku hoos jira dhismaha dumay inta ay tijaabooyinka ka dhammaanayaan.
Nairobi SDN,
Qurbejoog.com