|

Khubaro Australian ah iyo wefti ka socday shirkadda Petrosoma oo booqday Oodweyne

Hargeysa 23, April 2012 (Qurbejoog.com)- Wefti ka socda shirkadda Petrosoma oo fadhigeedu yahay UK iyo khubaro Australian ah, ayaa booqday degaamo ka tirsan degmada Oodweyne ee gobolka Togdheer.

Weftigan oo uu hoggaaminayay madaxa shirkadda Petrosoma Mr. Maxamed Yuusuf, isla markaana ay weheliyeen masuuliyiin iyo khubaro ka socotay shirkadda Jacka Resources oo ah mid macdan-baadhiseed oo laga leeyahay Australia, waxay uu la xidhiidhaa dhul dhowaan hawlo Shidaal-baadhis ah laga fulin doono.

Siday Jacka Resources sheegtay horaantii bishan April, shirkaddaha Jacka iyo Petrosoma waxay dhowaan dhul cabirkiisu yahay 2.2 million hectare oo ka tirsan degaamada Habar-garxajis ee Somaliland ka fulin doonaan hawlo Shidaal qodis ah.

Weftiga uu hoggaaminayay madaxa shirkaddaha Prime Resources and Petrosoma, waxay booqashadooda ku indho-indheeyeen qaybo ka mid ah dhulka uu ku yaalo Block 26 oo qayb ka ah dhulka ay dhowaan hawlaha baadhitaan ka fulin doonaan.

Weftigu markii ay gaadheen tuulada Hara-sheekh, waxa soo dhawayn kaga hortegay oo qaabilay guddoomiyaha Oodweyne Mr. Yuusuf Ibraahim (Yamaarug), iyadoo dadweynaha degaamada ay marayeena si diiran u soo dhaweeyay.  “Safarkani waa mid taariikhi ah, waana markii ugu horeysay ee hawsha shidaal-baadhista Somaliland la soo gaadhsiiyo heerkan Magnetic iyo Seismic Survey-ga,” ayuu yidhi madaxa weftigaas. Wuxuuna sheegay inuu bulshada Somaliland ugu bushaaraynayo inay sahamin ku samayn doonaan ilaa qaybo ka mid ah dhulka Shidaalka laga helay, dhowaana la bilaabi doono tabobarka shaqaalaha ka hawlgali doona fulinta qorshahaas.

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed