Khilaafkii Xisbiga Kulmiye Oo Soo Laba-kacleeyay Iyo Muuse Biixi Oo Si Adag Uga Horyimid Liisaskii Shalay Lagu Dhawaaqay
23,May,2014(SDN/QJ)-Gudoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka Haya ee Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi,ayaa si adag uga Horyimid Liiska Golaha Dhexe ee Shalay Galabtii lagu dhawaaqay,isaga oo ku tilmaamay inay tahay in laga been abuurayo Shirweynihii Xisbiga ee Bishii hore Hargaysa lagu qabatay.
Gudoomie Muuse Biixi oo warbaahinta la hadlay Maanta,ayaa sheegay inay arintaasi tahay siduu hadalka u dhigay Sharci daro. “Arintaasi waa sharci daro mana ogolin.Xisbiguna ogalaan maayo”.
Muuse Biixi Cabdi Gudoomiyaha Xisbiga Taladda Dalka haye ee Kulmye,ayaa su’aal Galiyay Gudigan ku dhawaaqay Liiska Golaha Dhexe iyo Gudiga Fulinta ee isbiga Kulmiye.waxaana uu sheegay in Wakhti Sharciyeedkoodu ku eekaa Intii uu socday Shirweynaha Xisbiga Kulmiye,haatan ay dhamaatay wakhti Sharciyeedkoodii.
Si kasta ha ahaatee arintan ayaa mar kale circa ku shareeraysa Khilaafka Huuran ee ka dhex jira Xisbiga Kulmiye.oo ilaa hadda loo maaro la’yahay.
SDN/QJ-Hargaysa