Khilaafka Masuuliyiinta Somalia Oo Saameyn weyn ku Yeeshay Dakhligii Dawladda
Muqdisho:02-Dec-2013(SDN)-Khilaafka Cakiran ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan sheikh iyo Ra’iisal wasaare Saacid, ayaa saamyn weyn ku yeedhay Hay’adaha kale ee Dawladda.
Hay’adaha uu khilaafkani saamaynta ugu weyn ku yeeshay waxa ugu horreeya Waaxda Garsoorka oo kalsoonidii iyo shaqo wanaaggii lagu yaqaanayba haatan gabaabsi ku jiro, islamarkaana habsami-u-socodkii shaqada garsoorku si aad ah isu dhintay.
Sida uu shalay sheegay Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Ceydiid Cabdulaahi Ilko Xanaf, khilaafkan ayaa sidoo kale saamayn weyn ku yeeshay Dekedda magaalada Muqdisho oo dakhli badani xukuumadda ka soo geli jirey, balse haatan dhaqdhaqaaqeedii yaraaday, maadaama amarro is khilaafsani ka soo baxeen hoggaanka dalka, taasina ay shaki ku keentay maraakiib badan oo dekedda ku soo fool lahayd.
Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka ayaa sheegay in dhaqaalaha kasoo xarooda dekada uu yahay 20,000 oo doolar, sida uu sheegay.
Wuxuu sidoo kale sheegay gudoomiye Ilko Xanaf, in dekada Muqdisho ay kasoo xaroon jireen casnhuur wanaagsan laakiin iminka hoos u dhac laga dareemayo dhaqaalaha canshuur ahaan kaga soo xarooda.
Khilaafkan ayaa meelo badan oo xukuumadda ka mid ah ragaadiyey, waxana jira dad badan oo hawlo ay xukuumaddu dakhli badan ka heli lahayd oo ay ku tali jireen haatan faraha kala baxay, maadaama is qabqabsi laga bixi waayey
S.D.N