|

Khilaafka ka taagan Khaliijka Carabta Oo Laga Digay In Uu Daganaansho La’aan Ka Abuurayo Geeska Afrika

Addis Ababa 10. July 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Itoobiya ayaa ka digtay in khilaafka ka taagan Wadamada Khaliijka Carabta gaar ahaan kan u dhaxeea Dowlada Qadar iyo Xulufada uu Sacuudiga hogaaminayo in uu xasilooni daro ka abuuro Geeska Afrika.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo Khudbad laga baahiyay telefishinka u jeedinayay Baarlamaanka dalkaasi ayaa ka digay in Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan wadamada Khaliijka Carabta uu saameyn ku yeesho Geeska Afrika kana abuuro xasilooni daro.

 

Waxa uu sheegay in dowlada Itoobiya ay rajo weyn ka qabto in muranka ka taagan Wadamada Khaliijka Carabta xal laga gaaro, waxa uuna sheegay in Itoobiya saameyn weyn ku yeelan doonto hadii khilaafkaasi xasiloono daro ka abuuro Geeska Afrika.

 

Hailemariam Desalegn ayaa cadeeyay in dowladiisa ay taageersan tahay in xal laga gaaro khilaafka u dhaxeeya Qadar iyo Xulufada Sacuudiga hogaaminayo, waxa uuna tilmaamay in ay taageersan yihiin dadaalada ay wado dowlada Kuwait.

 

Wadamada kuyaala Geeska Afrika ayaa xariir soo jireen ah kala dhaxeeyaa wadamada Khaliijka Carabta, waxaana khilaafkan hada ka taagan Khaliijka laga cabsi qabaa in saameyn badan ku yeesho Wadamada kuyaala Geeska Afrika ay ku jirto Soomaaliya.

Comments are closed