Khilaaf la Sheegay inuu ka Dhex aloosan yahay Xarakada Alshabaab iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay
Muqdisho 10.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay khilaaf uu sheegay inuu ka dhextaagan masuuliyiinta Ururka Al-Shabaab ee Dowladda dagaalka kula jira
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tilmaamay inaan loo baahneyn sii socoshada dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,ayna haboontahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo afjaro.
Shacabka ayuu ka codsaday in loowada istaago dagaalka Al-Shabaab si looga guuleeysto.
Al-Shabaab ayaa Dowladda Soomaaliya waxa ay kula jiraan dagaal adag, iyadoo habeen hore Muqdisho ay ka geysteen Shabaab qarax noociisa uu yahay mid gaari loo adeegsaday oo ay ku geeriyoodeen 6-ruux halka 25-kalena ay ku dhaawacmeen.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com