|

Khilaaf Cakiran Oo Ka Taagan Bilowga Diiwaangelinta Madaniga ah Oo La Bilaabay Xilli Aan Sharcigeedii Baarlamaanku Ansixin

Hargeysa:Sep,28,2014(SDN/QJ)-Khilaaf Xooggan ayaa ka curtay Tallaabo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku Bilowday Diwaangelinta Madaniga ah kahor inta aanay ansixin sharcigeedii Golaha Wakiillada Somaliland.

sadeeXukuumadda ayaa laba maalmood ka hor bilowday Diiwaangelinta oo ay ku tilmaanay mid tijaabo ah, taas oo uu madaxweyne Siilaanyo ka qaybqaatay  Qaadashadeeda, waxase arrintaas diiday  mucaaridka.

Diiwaangelinta oo la doonayey inay shalay sii socoto, ayaa istaagtay, waxana mudaharaad sameeyey shaqaalihii loogu talo galay inay ka qaybqaataan, iyagoo saluug ka muujiyey lacagta ay qaadanayaan ayaamaha shaqada ay qabanayaan.

Mucaaridka Somaliland, ayaa iyagu si kulul uga soo horjeestay tallaabada ay xukuumaddu ugu baaqay inay joojiyaaan diiwaangelinta Madaniga kahor inta aanay Baarlamaanku ansixin, waxana ay u soo jeediyeen inay sharciga u hoggaansamaan.

Baarlamaanka Somaliland, ayaa waxa horyaalla xeerka Diiwaangelinta lagu hagi lahaa oo waliba dhawaan lagu sameeyey wax ku beddel, waxana lagu wadaa inay dhawaan ansixiyaan.

Xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ayaan wali ka Hadlin bilowga diiwaangelinta la bilaabay xili aan sharcigeedii la Ansixin, waxana ay diideen inay  ka Hadlaan arrintan muranka ka dhalisay Dalka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed