|

Khilaaf Ba’an Oo Soo Kala Dhex galay Xisbiga Mucaaridka Kenya Ee ODM

Nairobi:Aug,25,2014(SDN/QJ)-Xubnaha ugu sarreeya xisbiga Mucaaridka dalka Kenya ee ODM, ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf la xidhiidha Qabashada Doorashada Xisbigu ku dooranayo Hoggaankiisa.

nabdKhilaafka iyo is qabqabsiga xisbiga ODM, ayaa sii xoogaystay ka dib markiii Ababu Namwanba uu sheegay in Raila aanu xaq u lahayn inuu u ololeeyo afti xili lagu guul daraystay iyo inla qabto doorashada xisbiga ODM.

Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ODM, oo uu ka mid yahay Maxamed Junet, Simba Arati iyo Jakoyo Midiwo ayaa waxay Mr Ababu ku tilmaameen inuu yahay mid aan daacad u ahayn xisbiga ODM.

 

Dhanka kale qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ODM ayaa waxay ka soo horjeesteen in xiligani la qabto doorashada xisbiag ODM, maadaama ay iska jiraan Duruufo u baahan in dib loo dhigo doorashada.

28 bishii Feberwari ee aanu ka soo gudubnay ayay ahayd markii uu qalalaaso ku soo dhamaatay doorashadii saraakiisha xisbiga ODM .

Qalalaasahaasi ayuu Ababu ku tilmaamay inay ahayd qorshe lagu doonayay in isaga looga hor istaago doorasahda xoghayaha guud ee xisbiga ODM.

Muranka xisbiga ODM ayaa waxa si weyn ugu faraxsan Xisbiga kale ee Cord oo isagu haatan haya Madaxtinamada Dalka, waxana murankani keenay in cududdii mucaaridku wiiqanto.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed