Khataro ka Soo Baxay Xeerka Duulista Madaniga ah Iyo Falanqayn ku Saabsan Nooca Khataruhu kuwa ay Yihiin
Hargaysa 02.April 2015 (SDN/QJ)- Qabyo-qoraalka Xeerka Madaniga ah ee duulista oo dhawaan Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland u soo gudbisay Golaha Wakiillada, ayaa ay ku jiraan khaladaad sharci iyo mugdiyo badan oo haddii lagu ansixiyo muran qannuuni ah.
Qabyo-qoraalka xeerkan oo ka kooban 91 qodob waxa ku jira qodobo badan oo is khilaafsan, isla markaana u baahan in wax-ka-beddel iyo kaabis lagu sameeyo, iyadoo ay tahay shaqada Golaha Barlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada), haddana shabakada Qurbejoog.com waxay fallanqayn ku samayn doonta xeerkan. Waxaana maalin akhristayaasha sharafta leh aan u soo gudbin doona 10 qodob oo khaladaadka iyo mugdiga ku jira aan faallo sharci ka bixinay.
Xeerkan oo bud-dhigaya, isla markaana aasaasaya hay’ad madaxbannaan oo hawada Somaliland maamusha amma madaarada iyo arrimaha duulimaadada ka hawlgasha, taasoo hore Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi u ballanqaaday inuu samayn doono, waa mid muhiimad badan u leh qaranka, balse sharcigan lagu aaasaasayo amma lagu xalaalaynaayo in ay noqoto haya’d sharci waxa hadheeyey mugdi badan oo keeni kara in khilaaf abuurmo, shaqada hawaduna gasho hakad.
Qaybta 1aad ee Xeerkan, gaar ahaan qodobka 2aad oo ka hadla u samaynta istiraatijyada iyo siyaasado duulista hawada ah, kaasoo ka hadla isticmaalka hawada iyo sida loogu ogolaan karo diyaarada ajenebiga, inkastoo aanu qeexin muddada, haddana waxa uu sheegay in xadka uu dhigay heshiisyada caalami ah amma mid Somaliland soo saartay amma go’aan uu soo ay soo saartay hay’adda lagu aasaasay xeerkan amma go’aan uu soo saaray Wasiirku. Waxa halkan isku dhafan laba go’aan oo ah go’aanka Wasiirka iyo ka hay’adda madaniga ah, kaasoo iska hor imaan kara, kadib khilaaf dhalin kara, waxaanay ahayd in go’aannada Wasiirku yeesho amma guddidu si aanay u soo bixin amarro is khilaafsan amma siyaasaddo iskhilaafsan oo dhalin kara muran sharci. Qannuunku amma xeekru wuxuu inta badan ka hortaga waxyaabaha muranka iyo mugdiga dhalin kara .
Sidoo kale, qodobkan waxa uu awoodda oo dhan ku koobaya wasiirka, gaar ahaan gelida heshiisyada caalamiga ah iyo waliba dhaqdhaqaaqyada madaaradda ka socda, waxaannu hay’adda madaniga ah ee duulimaadyada ka dhigaya mid maqaar saar ah oo ku kooban in ay shaqo hooseedka madaarada ku koobnaato oo aanay siyaasad iyo heshiis toona soo saari karin.
Qaybta 2aad ee xeerkan, qodobkiisa 3aad waxay lagu tilmaamaya aasaasida hay’adda iyo waliba sharci nimadeeda, iyadoo farqadiisa F tilmaamayso inhay’adda hoos imaanayso Wasaaradda Duulista iyo Gadiidka Cirka, haddana qaybta 3aad qodobka 4aad, farqadiisa 2aad waxay tilmaamaysaa in xubnaha amma guddida hay’adda maamulaysa uu Madaxweynuhu soo magacabaayo marka uu Wasiirka ka helo talo-soo jeedin, taasina waxay tilmaamaysa in xubnaha digreeto Madaxweyne ku yimaadeen, kana madaxbannaan yihiin wasiirka, sidaa darteed waxa halkaas ka dhalan karta khilaaf, sababtoo ah mar haddii Guddidu Madaxbannaan tahay, shaqadii hay’adduna Wasaaradda ku hoos jirto, waxa imaan kara ammaro is burineed amma khilaaf sharci oo shaqada ku keeni kara in ay dabaranaato.
Qodobka 3aad faqradiisa 2aad waxa ay hay’adda awood u siinaysa in ay hawsheeda u gudan karto si aan faragelin ku jirin, haya’d amma masuul kalena aanay ka ogolaanayn in talo amma faragelin uu ku sameeyo, sidaa darteed waxa uu muujinay madaxbannaani buuxda, balse haddana isla qodobkan waxa uu hoos geynaya Wasaaradda Duulista, taasina waxay keenaysta is khilaaf, sidaa darteed waxa habboon in hay’adda si toos ah wasaaradda u hoos tagto oo xubnahana uu wasiirku si toos ah u magacaabo amma ay ka madaxbannanaato.
Geesta kale, qaybta 3aad ee xeerkan qodobka 4aad waxa farqadiisa 1aad oo sheegaya xubnaha hay’addu meelaha ay ka kala imanayaan, kuwaasoo kala ah 5 xubnood oo laga soo xulayo dadweynaya, isla markaana cod ku leh golaha iyo xubin Agaasimaha Guud ah oo aan cod ku lahayn, haddii aan Agaaasimuhu cod ku lahayn xubin sharafeedna aan xeerku xusin, taas macnaheedu waxay tahay in la doonaayo inuu ka war hayo shaqada xubnaha amma mukhabaraad ahaan ugu jiro Wasaaradda si uu Wasiirka ugu gudbiyo haddii arrimo aanu raalli ka ahayn goluhu ansixinaayo
Xeerka Duulimaadka Madaniga ah oo dhawaan Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) khudbadii uu Golaha Wakiillada dhawaan ka jeediyey ku codsaday in sida ugu dhakhasha badan loo ansixiyo xeerar uu ku jiro waa mid sida loola deg degaayo ay ka muuqato dano gaar ah oo aan qaranka loogu danaynayn, balse hay’adda sharci-dejinta oo ah halka xeerarka lagu hubiyo, laguna dejiyo ay u taal in dhibaatada sharcigan keeni karo ay ka badbaadiso ummadda amma shacabka.
Haddaba, qormadeena 2aad waxaynu ku soo qaadan doona khataraha qannuun ee ka dhalan kara awoodda la diciifiyey ee guddigan iyo waliba khilafaadka ay abuuri karto xubno kale oo guddidan la shaqayn kara oo Madaxweynuhu si toos ah u soo magacabaayo.
Qodobka 5aad ee xeerkan waxa sidoo kale ku jira mugdi badan, sababtoo ah xubnaha guddida waxa uu kala siinaya muddo xileed kala duwan si toos ahna uma sheegaayo sida ay muddadoodu kala tahay, waxaanay muddo xilkeedka saddexda xubnood ee u horreeya xeerkan sheegaya in lagu tilmaamaayo Madaxweynaha waraaqda uu ku soo magacaabo, taasina waxay mugdi gelinaysa xeerkan, sababtoo ah xeerarku waxay tilmamaan xubnaha guddiyada ah muddo xileedkooda.
Asbaabta loo cuskaday ee xeerkan u cuskaday in muddo xileedka xubnaha hay’adda duulista madaniga ah waxa weeyaan in aan shaqada qabyo ku imaan, balse xubnahan waa go’aan iyo siyaasad sameeyayaal, hawshana waxa qabta shaqaalaha hay’addu yeelanayso, marnaba ma istaagto, sidaa darteed waxa khilaaf abuuri karta muddo xileedkan aan sida tooska ah u cayinayn ee kala gedisan.
Sidoo kale, farqada 2aad ee qodobkan waxa uu meesha ka saaray in xubnahan dib loo magacaabi karo amma muddo xileedkooda loo kordhin karo haddii ay hawshooda ka soo baxaan, horumarna ka sameeyaan dhinaca shaqada, balse waxa uu si gaar ah u sheegaya xubin xubin in dib xilka loogu magacaabi karo, haddii ay hawl karnimo muujiso, taasina waxay noqon karta xubin kasta oo wasiirka la shaqaysa oo ay isku dhawadaan in xilka ay sii hayn karto, maadaama soo jeedinta xil ka qaadista uu Wasiirka xeerkan siinaayo.
Xeerarka marka la samaynaayo waxa u shardi ah in aan eray khalad gelin kara oo si kale loo fasiran karo aan lagu soo darin, tusaale ahaan qodobka 6aad ee xeerkan waxa uu sheega “Gunnooyinka iyo Qarashaadka xubnaha, waxaannu u dhiganyahay; ‘Xubnaha Boodhku waxay dejinayaan, iyaga oo raacaya talada Agaasimaha Guud iyo ansxinta Wasiirka, siyaasadda la xidhiidha qarashaadka la xidhiidha adeegyada xubnaha Boodhka. Magdhawgaasi waa in laga bixiyaa dakhliga Hay’adda.’Waxa ku jirta jumlada Magdhawgaas waa in laga bixiyaa dakhliga hay’adda, qodobkuna wax magdhaw ah ma sheegaayo, taasina waa gef qorraal amma keeni kara in haddii lagu ansixiyo khalad sharci keeni karta.
Guddidan Xeerkan lagu aasaasay ee Hay’adda Duulimaadka Madaniga ah waxa laga qaaday awooddii maamul, waxaanay shaqadoodu ku kooban tahay la-talin ay Wasaaradda Duulista la talinayaan, siida qodobka 7aad ee xeerkan jidaynaayo, haddii guddidan aanay maamul iyo siyaasad samayn toona lahayn, waxa habboonayd in hay’addan laga dhigo waax amma unug ka mid ah wasaaradda si Agaasimaha iyo Wasiirku u maamulaan, balse haddii heer qaran laga dhigo, awooddana laga qaado waxay noqonayaan xubin sharafeed, lacag iyo kharashaad ku baxdo oo kaliya, taasna waxay u taala Golaha Wakiillada in ay wax-ka-beddelka iyo kaabistooda awood ku siiyaan iyo in ay sidaas ku dayaan, balse waa arrin culays maaliyadeed uun ku soo kordhinaysa oo aan hawl qabanayn haddii sidaas lagu daayo.
Dhinaca kale, qaybta 4aad ee xeerkan, gaar ahaan qodobka 9aad wuxuu jidaynaya in hay’addu yeelato Agaasime Fulineed oo Madaxweynuhu magacaabaayo oo ka masuul noqda dhammaan shaqada hay’adda, kaasoo aan ka mid ahayn xubnaha, haddii uu khaladaad ku dhacana aanay cod ku beddeli karin, isla markaana aanay la xisaabtan ku lahayn, maadaama uu awood Madaxweyne ku fadhiyo, sida Wasiirka iyo xubnaha loo soo magacaabay oo kalena loo soo magacaabo, sidaa darteed waxa meesha ka baxaysa in la xisaabtankii yaraado, agaasimuhuna awood isticmaali karo.
Badanka qodobada uu ka kooban yahay xeerkan oo is burin iyo khilaaf sharci ka muuqdo waxaynu qormadeena dambe ku soo qaadan doona qodobada maaliyada ka hadlaaya oo ay ku jiraan waxyaabo culays maaliyadeed ku keeni kara muwaadiniinta haddii Golaha Wakiilladdu Xeerkan ku ansixiyaan sidiisa… la soco…
Hargaysa SDN/QJ