Khasaare ka Dhashay Mudaharaad ka dhacay Maanta Magaalada Burco iyo Wefti Wasiiro ah oo Gaadhay
Burco 23.Dec 2013 (SDN)- Ilaa iyo hada inta la Xaqiijinayo Waxa ku dhintey Laba Qof tira kalena wey kudhaawacmeen Mudaharaad balaadhan oo saaka ka dhacey Gudaha Magaalada Burcobarqadii Saaka iyadoo, mudaharaadkani bilaabmey xiliga ku beegan wakhtiga ay Ardeydu Nususaacaha uga soo baxaan Dugsiyada kala Duwan ee kuyaala MagalaadaBurco.
Mudaharaadkanoo Socdey Saacado badan waxa la sheegay in uu goor dhaweyd Salaadii duhur kadibistaagey, iyadoo Ciidamada Booliska Burco iyo kuwa RRDu ee halkaa ku Sugani ayrasaas ooda kaga qaadeen mudaharaadayaasha, Waxaana halkaa ku GeeriyoodayMarxuum aan hada si rasmi ah loo Haynin Magaciisa, iyo Marxuum kale oo laSheegay in uu dhaawac u geeriyooday,halka uu dhaawac kasoo gaadhey ilaa Afar Qof oo rag ah kuwaas oo MagacyadoodaLagu Sheegay, nin lagu naaneyso Xays, Cismaan Qoorwaa oo ah Taliyihii CiidankaBooliska D/hoose iyo Askari kale iyo waliba nin Shacbi ah, Waxaana ilaa hadaXidhan Magaalada intteada badan gaar ahaan Meheradaha Ganacsiga faras Magaalahaoo dhan iyadoo ilaa saacadaas laga Maqlayo Xabada ka dhaceysa Gudha Magaalada maadaamagalinkan mudaharaadyaashu dib usoo laba kacleeyeen, Waxaana kala Dhex joogay Ciidamo milatari ah oo dadka kala fadhiisiyay, iyadoo CiidamadaBooliska ay dadweynuhu dhagax ooda kaga qaadeen barqadii bilowga Mudaharaadkan.
Wasiirada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir Cali,Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire,Beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo Horumarinta Miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa ku Sugan Magaalada Burco oo ay Saaka yimaadeen iyagoo Goor dhaw qaban doona Sida uu Sheegay Wasiirka Xanaanada Xooluhu Shir Saxaafadeed ay kaga hadlayaan Sida ay Rabshadahani uga dhaceen Magaalada Burco iyo Qaabka ay Xukuumada dhexe uga Hawlgashay.
Mudaharaadkanayaa la Sheegay in uu dabada ku hayo Bedelaada Taliyaha Qeybta Gobolka TogdheerAxmed Xasan C/raxmaan (Ilkacase), taas oo ay Mudaharaadyaashu ku doodeen in loobadelay Taliyaha si Cadaalada ka baxsan islamarkaana, Taliyaha Guud ee CiidankaBooliska Somaliland ku sheegeen in Amar xagjir ah lagu siiyay in uu badeloTaliyaha Walina Xaaladu ma degana inkastoo ay joogsadeen rabshadihii iyo dhagaxtuurkii,Waxaana meel kasta oo daafaha iyo gudaha Magaaladba ka muuqda Taayiro la gubeyoo qiiqoodii kasii hurayo Dariiqyada lagu Gubey.
Burco SDN.
Qurbejoog.com