|

Khasaaraha uu Sababay Dhul Gariir Xoogan oo ka Dhacay Waddanka Talyaaniga DAAWO

Roma, 25 August, 2016-(SDN/QJ):– Dhulgariir xooggan ayaa ruxay badhtamaha dalka Talyaaniga, kaasi oo sababay waxyeello xooggan islamarkaana dilay ugu yaraan 37 qof.
Dhulgariirka ayaa cabirkiisa lagu sheegay 6.2 Higter oo ah Qiyaasta lagu Cabiro Dhul Gariirka kaas oo ku dhuftay dhul dhan 10 km, oo dhinaca koonfurta bari ka xiga magaalada Norcia.
Dhulgariirka ayaa waxaa sidoo kale laga dareemay qeybo badan oo ka mid ah gobolka uu ka dhacay oo 150 km u jira magaalada Rome.
Meelaha uu sida xooggan u saameeyey ayaa ah labada magaalo ee Amatrice iyo Accumoli.
Maayirka magaalada Ametrice ayaa sheegay dhul gariirkaasi in uu burburiyey dhismayaashii magaaladaasi,hakiyeyna isku socodkii gaadiidka ,waxaani intaasi ku daray maayirku in tirade dhimashadu ay kor u kacdo .

Comments are closed