|

Khasaaraha Roobku u Geystay Beeraha Deegaanka Baki Oo La Soo Bandhigay

Baki:11-Oct-2013 (SDN)-Roobab Xooggan oo ayaamihii ugu dambeeyey ka da’ayey Degmada Baki ayaa khasaare laxaad leh gaadhsiiyey Beero wax soo saar oo halkaasi ku yaallay.

bakidaMaamulka Degmadaas oo uu ugu horreeyo Maayar Md. Maxamed Axmed Caateeye ayaa khasaarahaa soo gaadhay dhul-beereedkaa ka warbixiyey, waxana uu sheegay in beero badani baa’abeen oo daadkii u beddelay Boholo.

Maayarka oo kormeer ku soo sameeyey khasaaraha dhacay, ayaa sidan u  sharraxay waxa dhacay, “Dhinaca Beeraha waxa uu roobkani qasaare badan u gaystay dhulbeereedka Xooray, halkaasi oo ay daadadku la tageen dalagii, iyo midhidhii beerahaasi ka baxayay oo uu ku jiro Muus diyaar u ahaa in la iib geeyo, sidoo kale guud ahaan beeraha uu waxyeeleeyay daadadkani waxa ay dhan yihiin 200 oo beerood oo ku teedsan degaankan Xooray, gaar ahaan dhul beereedka Garawo.” Ayuu yidhi maayarku .

Maayar Maxamed Axmed Caateeye oo sii wada warbixintiisa ku saabsan khasaraha dhacay, ayaa yidhi, “Roobkan oo ahaa mid xoogan biyaha ka dhashayna ay aad u badnaayeen, waxa ay gabi ahaanba aaseen ceelal tiro badan oo laga waraabinayay beerahan, waxana ay dooxan cidhifkiisa sare ilaa cidhifkiisa hoose beerahii ku yaalay ka dhigeen wax dooxa ku biiray, waxana an ku celinayaa Qaylodhaan aan u dirayo dawlada oo aan leeyahay waxa loo baahan yahay in gurmad la soo gaarsiiyo beeralaydan, sidoo kale waxa aan dadka beeralayda ah leehayay bal idinku isku tashada oo ku talo gala sidii aad beerahan uga moosi lahaydeen daadka oo ah dhibaato dabiici ah oo soo laalaabanaysa”

 

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka beeralayda ah ee degaanadan ku nool, ayaa waxa ay si tiiraanyo ku jirto u cabireen in roobabkani ay ku sababeen daadad dooxyada ku daray midhihii iyo dalagii ay beeranayeen, waxana mid ka mid ah oo dareenkan cabiray uu yidhi “Beertan idiin muuqata waxa ku noolaa in ka badan 150 qoys oo degaanka ah, waxa ay beer ay ka baxaan digirta, tamaadka, geed gab kale oo aad u tiro badan, waxana ay daadadku ka dhigeen wax baaba’ay, sidoo kale waxa naxdin leh in dhul beereed aan ka manaafacaadsan jirnay uu maanta noqday qayb dooxa ka mid ah oo aan faaiido lahayn, ceelashii waa naga aasay oo waxa ay markan u baahan yihiin in dib loo qodo, sidoo kale, waxa naxdin leh in masiibadan ay tahay mid ku baahsan beeralayda degmada Baki oo dhan isla markaana ay aad u yar tahay tamarta iyo awooda aan wax kaga qaban karno,waxana aan u qaylo diranaynaa Eebe ka sokow xukuumada iyo hayadaha kale ee deeqaha bixiya kuwaas oo aan leenahay nala soo gaadha GABYAN iyo agab kale oo aan daadka kaga weecino waxa ka hadhay beerahan ee aan maanta ku noolnahay, hadii kale waxa suura gal ah in barakac uu ku yimaado dadka degaankan.”

 

Xilligan oo lagu jiro wakhti-roobaad la filayo inuu maalinba maalinta ka dambaysa uu roobku sii bato, ayaa haddana waxa jira dayaca iyo agab la’aanta ka taagan dhulka wax laga beerto ee Somaliland ku yaalla, mana jirto wax dhaqdhaqaaq ah oo xukuumaddu ugu gurmanayso beeraylayda Tabaalaysan oo ay qaadaysaa.

 

S.D.N

Contac@somalidiasporanews.com

Comments are closed