Khasaaraha Qaraxii Xalay Gil Gilay Huteelka Maka Al Mukarama ee Magaalda Muqdisho,Muuqaalo
Muqdisho 09.Nov 2013 (SDN)- Inta la og-yahay shan ruux ayaa ku dhimatay in ka badan 15 ruuxna dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray qarax xalay ka dhacay hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay mas’uuliyadiisa sheegteen maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab.
Afhayeenka kooxda Al-shabaab Col Max’ed Cumar Madaale oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ka hor inta uusan qaraxu dhicin uu soo gallay gudaha hotelka wiil dhalinyaro ah oo sida uu sheegay sitay Lab-Top, islamakaana doonayay in uu gudaha isku miidaamiyo, hasse ahaatee sida uu sheegay afhayeenka booliiska farsamadu ka xumaatay, kadib markii qarax aan badneyn uu sameeyay Lab-Top-kii uu sitay.
Markii gacanta lagu dhigay wiilka dhalinyarrada ah ayaa saacad kadib waxaa dibada hotelka ka dhacay qarax xoogan oo lagu filiyay gaari walxaha qarxa laga soo bixiyay, oo loo maleynayo in ay isku xirnaayeen ama iska war-qabeen isaga iyo wiilka dhalinyarrada ah ee gudaha lagu qabtay oo marka uu falka is qarxinta ah gudaha ka geysto la doonayay in dadweynaha ku soo xooma goobta lagu qarxiyo gaariga mar kale.
Ninka dhalinyarrada ah ayaa waxaa gacan ku haya ciidamada nabad-sugida oo isla xalay lagu wareejiyay, kuwaa oo sida la sheegay weydiinaya su’aalo la xiriira qaraxa iyo waliba wax uu damacsanaa in uu ka sameeyo gudaha hotelka.
Waxaa markiiba goobta booqday wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed oo soo eegay khasaaraha goobta ka dhashay, iyadoo dadka dhintay ay isugu jiraan dad rayid ah iyo waliba mas’uuliyiin dowladeed.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com