|

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii ciidamada Faransiisku ku qaadeen Shabaabka

Buulo Mareer Jan 13,2012(SDN)-Ciidamada Komaandoosta ee dalka Faransiiska ayaa laba casho ka hor weerar ay ku qaadeen xero ay Shabaabku ku lee yihiin magaalada Buulo Mareer waxa ay kala kulmeen fashil iyo khasaare.

Weerarka oo ujjeedadiisu aheyd in lagu soo furto Denis Allex oo ka mid ahaa sirdoonka Faransiiska 2009kiina Shabaabku ay Soomaaliya ku qabteen.

Sida uu saxaafada u sheegay wasiirka difaaca ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian weerarka ay ciidamadoodu qaadeen waxa ku dhintay mid ka mida ciidamada Komaandoosta halka mid kalena la la’ayahay.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in laheystihii ay doonayeen in ay soo furtaan ay Shabaabku dileen kolkii uu dagaalku biloowday.

Dagaalka ayaa waxa Shabaabka uga dhintay 17 ka mida ciidamadooda ilaalada ka hayay maxbuuska.

War ay Shababaku soo saareen ayaa lagu sheegay in dagaalka dhexmaray ciidamadooda iyo Komaandoosta Faransiiska in ay ku laayeen asar faro badan oo Faransiis ah.

Sidoo kale warkan Shabaabku soo saaray ayaa lagu sheegay in Denis Allex aan lagu heyn xerada la weeraray.

Weerarka Farasiika Ciidamadoodu ku qaadeen Buulo Mareer aya noqday qodob saxaafada caalamku si weyn u hadal heyso.

SDN-Buulo Mareer

contact@somalidiaspora

Comments are closed