“Khaatumo waa la la hadlayaa, oo waa dadkeeni way cabanayaan nina xoog laguma heysan karo,” Gudoomiyaha Xisbiga Ucid
Hargaysa 16.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo loo baahan yahay in la la sameeyo wada-hadal, si cabashadooda loo dhageysto, isla markaana waxa uu tilmaamay inay Somaliland marayso meeshii ugu khatarta badnayd.
Faysal Cali waraabe oo ka hadlay Munaasibad Xisbiga UCID ku soo dhaweeyey Beesha reer Axmed Cabdalle ee Sacad Muuse oo ka soo digarogtay Xisbiga KULMIYE oo ay sheegeen inay hore uga tirsanaan jireen, isla markaana ku soo biireen Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe,ayaa sheegay inay Somalland maanta ugu khatar baddan tahay, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi ““Maanta ayey ugu khatar baddan tahay Somaliland, waxa u daran umad halowsan oo habaabsan oo aan is ogeyn ayaa u daran, xaga aynu mareyno iyo halka la marayaa waa kala jaad.waxa loo laba dibleystay inaanay Somaliland hirgelin saddex iyo labaatankaa sanadood ILAAHAY dhiniciisa ayeynu ka badbaadaynaa, intaas waxa layna daba waday dhaawac la yidaahdo Soomaaliya, kolba dawlad ayaa loo sameeya oo way bakhtidaa (Soomaaliya) oo waa lagu kiciya oo way bakhtidaa, intaas waxa la doonayay in Somaliland cagaha laga jaro,maanta ayey ugu dhow yihiin, laakin ILAAHII ina bad-baadin jiray waa jiraa.”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waata maanta Saax-dheer lagaga dhawaaqay Khaatumo State (Cali Khaliif), waata maanta af-buuxa laynagu yidhi ka baxa Xudun, ka baxa Taleex, waataa maanta laynaga xidhay xaddadkii Jabuuti iyo Ethiopia, waxa hadhsan oo qudha khildadihii lay noo dhigayay. In la qabsado SOOL iyo SANAAG oo la yidhaahdo malaha (Somaliland) ee waa dhul la isku haysto ayaa inoo hadhay. Kii lagu qabsan lahaanaa wuu socdaa oo idinkuna ma ogeydin.”
“Somaliland maanta waxa hor-yaala mashaakil baddan,oo afar sanadood horteed ooli jirin. Nidaamkii dawladnimo uu baaba’ay, adduunkana waxa u daran marka uu nidaamku ka baaba’o, oo uu is dhexgalo, qasmana oo aad ogaan-weydid meesha xukunku ka socdo.”Ayuu yidhi Eng. Faysal Cali Waraabe.
Mar uu Faysal Cali Waraabe ka hadlayey Beesha Isaaq waxa uu yidhi“Reer Somaliland waxaad mooda beesha dhexe (ISAAQA) inaynu qol madow isku haysano, oo waynu isku habsaanay,xalkeenu maaha qabiil, ee waa cadaalad, iyo in si siman wax loo kala qeybsado, oo awooda iyo dhaqaalaha-ba si cadaalada loo kala qeybsado”
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“SALEL iyo AWDAL ayaa qaylinayaa,SOOL-ta Koonfureed ayaa qeylinaysa,SANAAG Bari ayaa qeyinaysa,….Maanta waxaan leeyahay Madaxweyne Siilaanyo iyo shacbigaba sidan qaran ku dhisi mayno dadka denbi ayeynu ka galaynaa.”
Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in dadka reer Laascaanood lagu haysan karin xoog, “Khaatumo waa la la hadlayaa, oo waa dadkeeni way cabanayaan nina xoog laguma heysan karo, Soomaali oodhan ayaa isugu keen tagtay oo xoog innagu heysan kari-weyday, reer Laascaanood xoog kuma heysan karno,qalbigooda waa inaynu helnaa, cabashadooda waa inaynu dhageysana, oo awooda wax ka siinaa,aniga ayaa Kursigii fadhiyaya, dhaqaalihii cunaya wax laynaga aqbalayo maaha”.Ayuu yidhi.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com