|

Khaatumo oo soo bandhigtay Boqolaal maxaabiis Somaliland ay ka qabatay

Laascaanood September 03,2023(QJ)- Maamulka SSC iyo Khaatumo ayaa soo bandhigay boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada maamulka Somaliland oo dhawaan ay ku qabteen dagaalkii dhawaan ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood.

Askarta la qabtay ee ka tirsan maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in lagu hayo meelo kala duwan oo ka tirsan magaalada Laascaanood, waxaana maamulka Khaatumo uu ku andacoonayaa in maxaabiista ay ula dhaqmaan si bini’aadantinimo.

Xubno ka socday hay’adda ICRC ayaa booqday maxaabiista ku jirta xabsiga magaalada Laascaanood, iyagoo u kuurgalay xaaladda ay ku sugan yihiin askarta la qabtay, isla markaana ay ka taageereen nolol maalmeedkooda iyo baahiyaha kale ee ay qabaan.

ICRC waxay sheegtay inay aqoonsatay in ka badan 300 oo maxaabiis ah oo laga soo qabtay Somaliland kuwaas oo lagu soo qabtay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood.

Ujeedada ay u soo booqdaan iyaga waa in ay horumariyaan qiyamka bini’aadantinimo iyo qiimaynta xaaladooda.

Comments are closed