Khaatumo oo Kulan lagu Taageerayay Maanta Muqdisho lagu qabtay
Muqdisho 18.Aug 2014 (SDN/QJ)- Kulan lagu taageerayo hoggaanka cusub ee maamulka Khaatumo ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka tirsan baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed, culimmaa’uddiin, fannaaniin iyo marti sharaf kale.
Cali Jamac Jangali oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in lagu guulaystay dadaal muddaba lagu doonayey taabbagalinta maamulka Khaatumo.
Jangali ayaa ka codsaday dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay taageerto dadka iyo maamulka Kaatumo uu uu sheegay in ay u taagnaan doonaan dhiirragalinta midnimada iyo iskaashiga ummadda Soomaaliyeed.
Cabdiwaaxid Cabdullaahi Jaamac oo xubin ka ah baarlammaanka Soomaaliya ayaa isaguna sheegay in maamulka Khaatumo yahay maamul nabadeed oo ka caagan dagaal sokeeye, wuxuuna u hambalyeeyey maamulka cusub iyo dadweynaha Khaatumo.
Doorasho 14-kii bishan August lagu qabtay deegaanka Saaxdheer ee gobolka Sool ayaa madaxweynaha maamulka Khaatumo loogu doortay Prof. Cali Khaliif Gallayr oo horay ra’iisalwasaare uga noqday jamhuuriyadda Soomaaliya.
Muqdisho SDN/QJ
contact@qurbejoog.com