|

Keyse Gurayoow Kuma Ayaad Maantana Dalka Ka Mabnuuci Doontaa?

Igama aha qormadani shakhsi weerar iyo dhaleecayn midnaba oo keyse waaba mid ka  mida asxaabtayda, waxaanse suganti ah taariikhda iyadaana sargoysa sooyaalka  aadamigu suntado.

liibaanoMagacawga wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibada loo dhiibay xalay uun Mr  Keyse Gurey ayaa noqday mid kaydka xusuustayda dib u celiyay muddo haatan laga  joogo ku sinaan lix sano, xiligaas oo xaalada iyo xurgufta siyaasadeed ee wadanka ka  jirtay ay uba eeg tahay ta maanta taagan hada garoo xiligu waa horaantii 2010-kii waxaana wadanka lulaysay oo qaadaa dhigaysay xumada doorashada oo la filanayay  inay qabsoomi doonto bilaha dhaw ee 2010-ka sidoo kale waxa jirtay in sanadkaa 2010- kii iyana lagu hawlanaa  dhamays tirka sixida diwaan galintii codbixiyayaasha si loogu  galo doorasho, akhriste bal maantana u fiirso wadanku wuxuu la beer qaadsan yahay  cayimada wakhti doorashada waxaana taagan muran arrintaas la xidhiidha sidoo kale waxa socda diwaangalin daawaha lagu luudinayo oo ah tii madaniga ahayd halka la  filayo inay tii codbixiyuna bilaabanto. Alla isku eekaa miyaa la soo celiyay taariikhda!

Iyadoo wuu xaalka siyaasadeed ee wadanka yaalay wakhtigaas uu caynkaas u yaalay  isla xaraarada mucaaridada oo ay weheliso ta  shacabka isbadal doonkaa  duufaantooduna gabi dhaclaynayso ayaa waxa safar ugu ambo baxay  dalka  maraykanka  Madaxweyne Siilaanyo oo wakhtigaas ah gudoomiyaha xisbiga kulmiye  halkaas uu markaa kula kulmay saraakiil sare sare oo maraykanka ah uu ugu horeeyay  (Donald Payne) kulamadaas masuuliyiinta ka dib waxa uu Siilaanyo wakhtigaas uu kulamo balaadhan iyagana la qaatay jaaliyadihii kala duwanaa ee markaykanka ku  dhaqnaa.

 

Hadiiba intaasi dhacday ayaa waxa saxaafada la halday Keyse Guray oo wakhtigaas  isna ahaa wasiir ku xigeenkii wasaaradda arrimaha dibaba hada garo oo waa booska  maanta loo magacaabay uune waxaanu saxaafada u sheegay in mudane Siilaanyo  dalka laga mabnuucay oo aanu soo gali Karin. Odhaahdii wasiir ku xigeenka ayaa  waxay dhalisay muran siyaasadeed oo xataa gaadhay in shacabkii isbadal doonku samayn gaadhaan gadood ka dhan ah hadalka ka soo yeedhay dartii!

Waxba yaanu qalinku ila taraarin oo idinkaaba taariikhda iiga badiya oo iigaba  xogogaalsane, waxaan is waydiiyay hadiiba Keyse isagoo ah wasiir ku xigeenka  arrimaha dibada wakhtigaas uu Siilaanyo damcay inuu dalka ka mabnuuco  isla maanta oo ay mahadhadaa ka soo wareegtay ku dhawaad lix sano uu siilaanyo u dhiibay  isla booskii hore wakhti u eeg wakhtigii uu weedhaas  yidhi amaba uu isku dayay inuu dalka  ka joojiyo Siilaanyo. Ma waxa la doonayaa inuu maantana dalka ka joojiyo amaba ka mabnuuco mudanayaasha mucaaridka ah sida Cirro, Faysal iyo Jamaal? Mise waxa jira  qorshe kale oo ka gun dheer kaas aynu xusnay! Idinkaan idiin dayn Isku soo wada duuboo “taariikhdu waa mudan waa jire markhaati leh”

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

Comments are closed