Kerry iyo Xasan Maxamuud oo Kulan ku Yeeshay Adis-ababa
03,Apr.2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha Jamhuuryadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la qaatey Xoghayaha Arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka John Kerry oo safar ku maraayey dalal badan oo kamid ah Afrika.
Kulanka dhexmarey Xasan iyo Kerry ayaa ka dhacay magaalada Adis Ababa waxaana uu ahaa mid horey loo qorsheeyey oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanku sii sheegtay.
Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa maalintii shalay ee Jimcada gaadhey xarunta Itoobiya ee Adsi Ababa, isaga oo isu diyaarinaaya kulanka isaga iyo Kerry.
Kulanka labada masuul ayey diiradda ku saareen isbeddaladii u danbeeyey ee Soomaaliya, dagaalka lagula jiro al-Shabaab, hawlgalada gar-gaarka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa khariiddada Soomaaliya loo jeexey ee ah in doorashooyin xor ah ka dhacaan Soomaaliya 2016.
Dalka Maraykanka ayaa dhaqaale badan ku bixiya hawlgalka nabad soo celinta ee Soomaaliya ee dalalka Midowga Afrika ay hor kacayaan, sidoo kale waxaa Maraykanku dhaqaale badan ku bixiyaa hawlaha bini’aadanimo ee Qaxootiga Soomaaliya iyo hormarinta arrimaha bulshada.
Sida ay sheegayaan wararka hoose ee ay helayso Shabakada wararka Qurbejoog.com ee la xidhidha safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in muddada uu ku sugan yahay Itoobiya uu kulan la qaadan doonaa Raysalwasaaraha Itoobiya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dawladda Ethopia iyo Diblumaasiyiinta Wadamadda Shisheeye u fadhiya Xarunta Midawga Afrika ee Adis-ababa.
SDN/QJ-Adis-ababa
contact@somalidiasporanews.com