Kenya:Qoysaska Askartu Kaga Dhimatay Dagaalka ay Somalia Kaga Jiraan Oo Mag-dhaw Loo Ballanqaaday
Nairobi:July,19,2014(SDN/QJ)-Dawladda Kenya ayaa soo saartay war ay kaga Hortegayso Niyad-jabka iyo Kacdooonka shacab eek a dhanka ah Ciidamadeeda ku dhimanaya Dagaallada ay kaga jiraan Dalka Somalia.
Dawladdu waxay si deg deg ah ugu dhawaaqday inay lacago caddaan ah siin doonto dhammaanba Ehellada ay askartu kaga dhimatay Somalia Gudaheeda.
Qoraalka ayaa waxaa soo saaray Wasaaradda difaaca dalka Kenya waxaana lagu xusay in ciidamada Kenya ee ka tirsan kuwa Midowga afrika bishii mushahar ahaan ay u qaataan lacag gaadheysa 89,456 oo shilinka Kenya ah, taa oo ay u sii dheertahay mushaharka billaha ah oo ay siiso dowladda Kenya.
Qoraalka oo sii socda, ayaa waxaa lagu sii sheegay in Lacagta mag dhawga ah ee la siinayo waalidiinta askarta ku dhimatay soomaaliya ay gaadheyso 4 Milyan oo shilinka Kenya ah sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Kenya.
Qoraalka laguma shaacin inta askari ee Soomaaliya kaga dhimatay iyo cadadka lacageed ee la siinayo qoyskiiba, balse waxaa la Tilmaamay in Qoysaskaasi looga farxin doono dhaqaalahaasi loo qoon-deeyay.
Kenya ma cadeyn lacagta la siinayo ciidamada ku dhaawacmay dagaalka, balse waxa ay sheegatay in taasi ay ku xidhantahay heerka dhaawacu uu gaadhsiisanyahay.
Dhanka kale, Arbacadii ayey aheyd markii hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga uu ka dalbaday dowladda uu hogaamiyo Uhuru kenyata in ay soo bandhigto tirada ciidamada kaga dhintay soomaaliya tan iyo markii Kenya ay ku biirtay ciidamada midowga Afrika.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com