|

Kenyaiyo Soomaaliya oo kawada hadlay dar dargalin howlaha CiidamadaKenyaay kawadaan Soomaaliya

Muqdisho Jan 16 2013 (SDN)– Dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale DowladdaKenyaayaa kawada hadlay arimaha dardargelinta howlgalada ciidankaKenyaay ka wadaan koonfurta dalka Soomaaliya.

Sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhiga dalkaKenyaoo ay kulan kusoo wada qaateen dalkaasi.

C/xakiin Fiqi ayaa sheegay in dhigiisa dalkaKenyaay kasoo wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa howlgalka ciidankaKenyaay ka wadaan Gobalada Jubbooyinka ayna sii wadaan.

Wuxuu sheegay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya in dhigiisa dalkaKenyaay kawada arinsadeen arimaha la xiriira howlgalada dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka argagixisada.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in DowladdaKenyaay isla garteen inay kawada shaqeeyaan ammaanka labada dal gaar ahaan in la isku gudbiyo xogaha ku aadan dhanka ammaanka.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in DowladdaKenyaay islagarteen tababarida ciidamada Dowladda Soomaaliya si buu yiri ay ugu filnaadaan ammaanka goobaha Shabaab lagala wareego.

Wasiirka gaashaandhiga ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay kadib safaro uu ku kala tagay dalalkaKenyaiyo Soomaaliya.

Comments are closed