|

Kenya: Xumadda doorashada oo isbahaysiyo xisbiyeed isugu keentay Siyaasiyiin xafiiltan ka dhexeeyay, Odinga oo markale Madaxweynenimo u tartamaya iyo cidda uu bahaystay

Nairobi 06, December 2012 (SDN)- Raysul-wasaaraha Kenya Raila Amollo Odinga, ayaa shaaciyay inuu markale u ordi doono doorashada Madaxweynenimada dalkiisa, taasoo lagu wado inay qabsoonto bisha March ee soo socota.

Dhawaaqa murashaxnimada Raila Odinga waxay ka dambaysay, markii uu todobaadkan heshiis isbahaysi la galay Madaxweyne kuxigeenka dalkaas Mr. Kalonzo Musyoka, kaasoo ay iyagoo isku lammaan u tartami doonaan hoggaaminta Kenya.

Labada nin waxa hore uga dhexayn jiray tartan adag, waxayna isbahaysigooda kaga dhawaaqeen munaasibad ay u dhamaayeen, iyagoo uu weheliyay wasiirkii hore ee Khaarajiga Kenya Moses Wetangula, haatana ah wasiirka Ganacsiga iyo hoggaamiyeyaasha 10 xisbi oo yaryar, kana mid ah kuwa ka jira Kenya.

Odinga iyo Musyoka waxay heshiiskooda dhismaha isbahaysigooda cusub ee ay ku dhiseen xisbiga Huwanta Dib-u-dhiska iyo Dimoqraadiyadda ay ku hor saxeexeen kumanaan taageerayaashooda ah oo ku soo ururay Nairobi.

Raysul-wasaare Odinga waxa loo gartay inuu noqdo murashaxa Madaxweynenimada ee xisbigaa Huwanta Dib-u-dhiska iyo Dimoqraadiyadda, halka Kalonzo Musyoka uu noqon doono ku-xigeenkiisa.

Mr. Odinga oo lagaga shubtay codbixintii 2007, Raysul-wasaarenimadiisuna ku timi awood-qaybsiga uu la galay xisbiga Madaxweyne Mwai Kibaki, waxa uu hadal uu ka jeediyay shaacinta dhismaha xisbiga cusub uu ku sheegay in isbahaysigoodu yahay kooxda keliya ee Kenya u horseedi karta jidka barwaaqada.

Heshiiskani waxa uu yimi markii ay Axaddii todobaadkan isbahaysigooda cusub shaaciyeen Raysul-wasaare kuxigeenka Kenya Mr. Uhuru Kenyatta iyo wasiirkii hore Mr. William Ruto, kuwaasoo ah laba siyaasi oo uu ka dhexeeyay dagaal siyaasadeed oo qotodheer.

Labadan siyaasiba, waxa ku socota dacwad ay ku oogtay Maxkamadda Dambiyadda Caalamiga ah (ICC), kuwaasoo ku eedaysan ku luglahaanshaha qalalaalihii doorashadii 2007-2008 ka dhacay dalka Kenya. Labadooduba, waxay heshiiskooda dhismaha isbahaysiga ‘Midnimada Kenya’ ay ku hor saxeexeen kumanaan taageerayashooda ah oo isugu soo baxay barxad ku taala magaalada Nakuru ee dalka Kenya.

Shaacinta is-xulafaysiga xisbiyeed ee Kenya, waxa uu ku ekaa Salaasaddii doraad, iyadoo xilligan dalkaasi isu diyaarinayo doorashooyinka guud ee loo qorsheeyay bisha March 2013.

 

Qurbejoog.com, Nairobi

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed