Kenya Oo War Fiican Ka Heshay Baanka Adduunka
New York:Aug,08,2014(SDN/QJ)-Ninka ugu sareeya Baanka Adduunka Madaxa Jim Yong Kim ayaa ammaaan u jeediyey Hannaanka dhaqaale ee Kenya, isagoo xusay inay Tiir muhiim u tahay qaramada Midoobay.
Mr Kim ayaa waxa uu xusay in fariinta ay Kenya u hayaan ay tahay in Kenya ay tahay goob guulo ka gaartay dhaqaalah islamarkana ay xushmad u hayaan .
Madaxa bangiga aduunka Jim Yong Kim ayaa carabka ku adkeeyay in Bangiga aduunka ay dhiiri galisay isbadalada dhaqaale ee Kenya islamarkna ay diyaar u yihiin ay Kenya ak taageeraan hirgalinta hadafyada ay tiigsanayso .
Madaxwayne uhuru Kenyatta oo kulan la yeeshay madaxa bangiga aduunka ayaa dhankiisa sheegay in shaki aanu ku jirin kobaca dhaqaalaha Kenya iyo muhimada uu leeyahay ayna doonayaan Kenya cid ay iskaashi sameeyaan .
Madaxwayne Kenyatta ayaa waxa uu sidoo kale xusay in dhaqaalaha Kenya uu sii kobci lahaa hadii ay heli lahayd cid ay iska kaashadaan.
dhaqaalaha dalkani Kenya ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay midka ugu balaadhan gobolka bariga africa.
SDN/QJ