Kenya oo taageero mug leh u fidisay aqoonsi ay hesho Somaliland sheegtayna in ay Africa uga ololeyneyso
Nairobi May 24, 2014(SDN/QJ)-Dawlada dalka Kenya ayaa markii u horeysay shaacisay in ay diyaar u tahay aqoonsiga Somaliland isla markaana ay dawladaha Africa ku boorineyso in ay Somaliland aqoonsadaan.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya ka dib kolkii ay dawlada Kenya dhawaan shaacisay qorshe ay safaarad uga furaneyso Hargeysa xili ay dawlada Soomaaliya arinkaa diidmo ka muujisay.
Kaaliyaha Wasiirka Arimaha dibedda ee dalka Kenya Mr. Richard Onyonka ayaa hadalka aqoonsiga Somaliland u sheegay qaar ka mida Jaaliyada reer Somaliland eek u nool magaalada Nairobi.
Maxamed Salaax oo goobjoog ku ahaa madasha uu kaaliyaha wasiirka arrimaha dibedda Kenya ka sheegay taageerada Kenya ee qadiyada Somaliland ayaa saxaafada uga waramay.
“waxaanu sugnay deganaansho inaga oo ku nool Gobol qalaalse faro badani uu ka jiro, waana arin beesha caalamka ku riixeysa in aanu kaga helo aqoonsi”ayuu yiri Maxamed Saalax oo u waramayay presstv.
Somaliland ayaa sabtidii hore u dabaal degtay sanad guuradii 23aad eek a soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanideeda.
SDN/QJ-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com