|

Kenya Oo Soo Saartay Tirada Weerarradii Argagixiso ee Dalkeeda Lagu Qaaday

Nairobi:Aug,01,Sep,2014(SDN/QJ)-Ciidamada ammaanka Dalka Kenya ayaa shaciyey tirada Weerarrada Argagixiso ee Dalkeeda lagu qaaday laga soo bilaabo markii ciidankeedu gudaha u galeen dalka Somalia.

westeWarkan ayaa waxa uu si gaar ah uga soo baxay Waaxda gaarka u ah la dagaallanka Argagixisada, taas oo sheegtay in liiskani yahay mid sheegaya weerarrada dalka ay ka fuliyeen Kooxaha Argagixisada ahi.

Warbixin ay soo saartay waaxda la dagaalanka argagaxisada dalka ayaa lagu sheegay in tan iyo markii uu bilaabmay howlgalkii loogu magacadaray Linda Nchi ay dalka ka dhaceen 133 weerar.

Weeraradani ayaa sida warbixnta ku sheegay waxa ku dhintay 264 qof oo Kenyaan ah halka 923 kalena ay ku dhaawacmeen.

Warbixinta ayaa sidoo kale muujinaysa in isku celcelis tan iyo markii militiriga Kenya ay Soomaaliay galeen bishii October ee sanadkii 2011kii uu 8 dii maalinba mar ka dhacayay gudaha dalkani Kenya weerar argagaxiso.

Weerarkii argagixiso ee ugu qasaaraha badnaa ayaa ahaa kii xarunta ganacsiga ee Westgate Mall oo ay ku dhinteen ka badan 60 qof.

Militiriga dalkani Kenya ayaa bilaabay howlgalka loogu magac daray Linda Nchi sanadkii 2011 kii iyadoo howlgalkaasina ahaa mid ka dhan ahaa xarakada Al Shabab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed