Kenya Oo Soo Saartay Digniin Ka Dhan ah Ammaanka Britain
Nairobi:Jully,13,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Duruuraha ammaanku ku gedaaman yihiin ee Kenya, ayaa qaadday tallaabo loo qaatay inay Aargudasho tahay, taas oo ay muwaadiniinteeda ugaga digayso inay Transit ku sii maraan Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow oo ku yaalla Carriga Britain.
Kenya ayaa sheegtay inay suurogal tahay in ay ka dhacaan falal argagaxiso oo ururka Al-Qaacida ka geysato garoonkaasi.
Xogyahaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Karanja Kibicho ayaa sheegay in ay heleen warbixino sheegaya inay suurogal tahay in weerarro argagaxiso lala beegsdo groonka diyaaradaha Heathrow.
“Warbixino ay bixiyeen saraakiil Mareykanka ah ayaa sheegay inay dagaalyahannada Al-Qaacida Yemen iyo Suuriya isku dayayaan inay sameeyaan bambooyin awood u leh in lagu soo rido diyaaradaha, waxayna muujinayaan in dalka Britain uu noqon karo dalka ay saameynta ugu weyn ku yeelan karaan weerarradaas,” ayuu yidhi Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibada Kenya Kibicho.
“Inagoo saldhig ka dhiganayna warbixinta waxaan ku wargelinaynaa muwaaindiinta Kenya inaanay u safrin magaalada London, halkaasoo ay macquul tahay in weerarradan argagaxisada lala beegsado.”ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Kenya wuxuu kula taliyay muwaadiniinta Kenya in ay isticmaalaan marino marka ay u socdaalayaan Mareykanka, sida dalalka Itoobiya, Imaaraadka, Netherlads, iyo kuwo kale, halka ay Taransit ku ahaan lahaayeen London.
Hadalka Kenya, ayaa u muuqda mid ay kaga aarsaneyso Britain, oo hore usoo saartay digniino ka dhan ah Kenya.
Xukuumadda Kenya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Uhuru, ayaa la daalaa dhacaysa dhibaatooyin ammaanxumo oo ay ka dhaxashay hujuumkii ay ku qaaday ciidda somalida, waxana Maalin walba weerarro la kulma Shacabkeeda ku dhaqan gudaha Dalka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com