|

Kenya oo si cad u sheegtay in Aanay Ciidankeedu ka soo Bixi Doonin Soomaaliya

kenya armayNairobi:16-Aug-2013(SDN)Dowlada dalka Kenya ayaa  shaaca ka qaaday in ciidamadeed ku sugan dalka soomaaliya aanay marnaba ka soo bixi doonin Soomaaliya .

 

Wasiirka Gaashaandhiga dalka kenya Raychelle Omamo  ayaa waxa ay sheegtay in ilaa dowlada Soomaaliya ay awood u yeelanayso sugida amaanka Goobaha Ciidankeedu joogo, aanay Kenya ka soo bixi doonin Kismayo .

 

Ms Omamo ayaa waxa ay sheegtay in ciidamada Kenya ay soomaaliya u joogaan in ay la dagaalaman argagixiso khatarta ku am amaanka dalka Kenya .

 

Ciidamada kenya ayay sheegtay wasiirada gaasahandhiga Kenya in ay Soomaaliya ka soo bixi doonaan oo kali ah marka nabad iyo xasilooni Soomaaliya lagu soo dabaalo .

 

Wasiirada  gaashaandhiga dalka kenya Raychelle Omamo  ayaa dhanka kale si kulul u beenisay warbixin ay dhawaan soo saartay QM oo militiriga kenya ku eedaysay in ay dhuxul si sharci daro ah uga dhoofiyaan dalka soomaaliya .

 

Militiriga Kenya ayay wasiiradu sheegtay in aysan u tagin Soomaaliya arimo siyaasadeed ama ganacsi balse ay u joogaan la dagaalanka argagixisada.

Hadalkan ka soo yeedhay Dawladda Kenya, ayaa waxa shaki badan ka muujiyey shacabka soomaalida, waxana uu daliil iyo marmarsiinyo buuxa u yahay Dagaalka cad ee shabaab ay kala soo horjeeddo xukuumadda Federalka soomaaliya.

Somalidiasporanews.com

 

Comments are closed