Kenya oo Sheegtay in wada Shaqeyn ay ka dhaxeyso Mucaaradka Xeebta iyo Xarakada Al Shabaab
Mombasa April 01 2013 (SDN)— Guddoomiyaha gobolka xeebta Samuel Kilele ayaa sheegay inay jirto xiriiro ka dhexeeya Golaha la mamnuucay ee MRC iyo Al-Shabaab, waxa uuna sheegay inuu ka dhexeeyo Xiriir aad u wanaagsan Islamarkaana ay is dhaafsadaan macluumaadka.
Guddoomiyaha waxa uu sidoo kale, sheegay in Golaha la mamnuucay ee MRC iyo Al-Shabaab, ay ka wada siman yihiin dhibaateeynta Maamulka iyo Shacabka Gobolka xeebta, waxa uuna xusay inay hayaan macluumaad ku aadan isla shaqeynta MRC iyo Al-Shabaab, isagoona sheegay inuu Warbaahinta ku soo daabici doono.Mr. Kilele ayaa shalay u qabtay muddo toddobo maalmood ah inay isku soo dhiibaan labada koox iyo dhammaan kuwa kale ee laga mamnuucay Kenya, haddii kale ay la tiigsan doonaan Sharciga, waxa uuna ka digay in Shacabka ay ka agdhawaadan goobaha ay Kooxahaasi ku sugan yihiin.Dowladda dalka Kenya ayaa ka walaacsan xiriirka cusub ee ka dhaxeeya Golaha la mamnuucay ee MRC iyo Al-Shabaab iyadoona ay sheegtay in xiriirka ka dhexeeya uu yahay mid awood leh, islamarkaana ay adagtahay sida ay Xukuumadda u kala jari lahayd.
Cabashadda Xukuumadda Kenya ee ku aadan Golaha la mamnuucay ee MRC iyo Al-Shabaab ee laga soo ceyriyay Muqdisho iyo Daafaheeda, ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa Xilli Maalintii shalay lagu dhawaaqay Natiijooyinka Doorasho ee Dalkaasi Kenya taasoo la rumeysan yahay in Labada koox ee kala ah ( Golaha la mamnuucay ee MRC iyo Al-Shabaab ) ay doonaayan inay qal-qal galiyaan guud ahaan Ammaanka Dalka Kenya.