|

Kenya oo sheegtay in ay dileen taliyiin Shabaabka Gobolka Gedo ee Koofurta Somalia

Nairobi Feb 02 2013 (SDN)– Colonel Cyrus Oguna oo kamid ah afhayeenada Ciidamada dowladda Kenya ayaa sheegay duqeyntii qaarkamid ah diyaaradaha dalka Kenya ay khamiistii lasoo dhafay ka geysteen tuulo u dhow degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ay ku dileen saraakiil sare oo katirsan xarakada A-Shabaab.

Saraakiisha geeriyooday intii ay duqeynta socotay ayuu sheegay afhayeenka Ciidamada Milatariga Kenya inuu kamid yahay gudoomiyaha degmada Buurdhuuba Nuur dheere iyo ciidamo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab islamarkaana qeyb ka ahaa raga falalaka amni dari ka geysta gudaha Kenya.

Sidookale Oguna waxa uu shaaciyay inay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab uuna uga digayo dadka rayidka ah inay ku dhawaadaan degaanada saldhiga u ah Al-Shabaab oo ay suurtagal tahay in duqeymaha lala damacsan yahay ay ku wax noqdaan shacabka .

Majirto Xaqiiqo loohayo Hadalka Colonel Cyrus Oguna ee ku saabsan in duqeyn ay dhawaan ka fuliyeen degaan hoostaga Magaalada Garbahaareey ay ku dileen Saraakiil Katirsan Xarakadda Al-Shabaab mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Shabaab oo ku adaan in laga dilay sarakiil iyaga ka tirsan.

SDN-NairobiĀ 

Comments are closed