Kenya oo sheegtay in Al Shabaab ay dhaqaalo ku bixiyaan dilka Saraakiisha Kenyanka ah
Nairobi De 13 2012 (SDN)-Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa shaaciyay in Xarakada Al Shabaab dilka Askarta Kenyatiga ah ay ku bixiyaan dhaqaalo aad u farabadan.
Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay in arrintan ay ogaadeen markii ay dhaxgaleen fariin Al Shabaaba ay soo direen taasi oo ay ku sheegayaan in 8-kun oo doolar ay ku bixinayaan Abaalmarin cidii disha saraakiisha Kenya.
Warbixinta oo ay daabacday AP ayaa waxa ay soo xiganeysaa xubno uu ka midyahay guddoomiyaha Garissa Macalin Maxamed kaasi oo sheegay in tani ay tahay talaabo lagu doonayo in lagu kiciyo Niyada dhaliyarada Magaalada Bariga Kenya ku taalka ee Garissa si fal wuxuushnimaha u fuliyaan.
Guddoomiyaha Garissa aya tilmaamay in xogta Al Shabaab laga helay lagu ogaaday markii la dhaxgalay Fariin lagu gudbinayay Talfoonka gacanta ay ciidamadu adeegsanaan ee Fooneeyaha loo yaqaano.
Sidoo kale Afhayeenka Milatariga Kenya Konel Cyrus Oguna ayaa xaqiijiyay arrinkaani waxana uu carabka ku dhuftay in Milatarigu uu ogyahay Al Shabaab in ay Abaal marin ku bixiyeen dilka Kornel Jeff Nyaga.
Cyrus Oguna ayaa cadeeyay in Al Shabaab ay ku yabooheen 8-kun dikii Nyaga oo ka tirsanaa saraakiisha Kenya.
Sikastaba arrintan ayaa soo ifbaxaysa Xilli saraakiil iyo Askar badan oo Kenyan ah lagu dilay gobolka Waqooyi bari dalka Kenya iyadoona dilalkaasi lagu eedeeyay dad xiriir la leh Al Shabaab oo Soomaaliya ka dagaalama.
SDN-Nairobi