Kenya oo Shaacisay Qaar ka Mid ah Dablaydii Weerartay Xaruntii Ganacsi ee Westgate
Nairobi 06.October 2013 (SDN)-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday magacyada afar ka mid ah raggii weeraray xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.
Afhayeenka milateriga Kenya Major Emmanuel Chirchir ayaa saxaafadda u sheegay in ragga la aqoonsaday ay u kala dhasheen dalalka Kenya, Sudan iyo Soomaaliya, kuwaas oo ka qeyb qaatay weerarkii bishii hore lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi oo lagu dilay 67 qof.
Afhayeenka milateriga Kenya ayaa intaas raaciyay in magacyada ragga la aqoonsaday ay kala yihiin Abu Baara Al-Sudani oo ka yimid dalka Sudan isla markaana ahaa hoggaamiyaha kooxda weerartay xarunta ganacsiga ee Westgate, waxaana soo tababartay kooxda Al-Qaacidda. Omar Nabhan oo ah Kenyan asalkiisu yahay Carab wuxuuna ku dhashay magaalada Mombasa kaddibna isagoo da’diisu tahay 16 sano jir ayuu adeerkiis u raacay Soomaaliya, iyo nin magaciisa lagu soo gaabiyay Khattab Al- Kene oo la sheegay in uu yahay Soomaali ka yimid magaalada Muqdisho isla markaana xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.
Afhayeenku wuxuu kaloo sheegay in ninka afaraad magaciisu uu yahay Umeyr, lamana la xaqiijin dhalashadiisa.
Muuqaal ay soo bandhigeen telefishinnada dalka Kenya ayaa waxaa lagu arkayay afar ka mid ah ragga weerarka ka geystay xarunta ganacsiga Westgate ayagoo sita qoryahooda isla markaana ku dhex wareegaya gudaha xarunta.
Afhayeenka ciidamada milateriga ee Kenya ayaa sheegay in raggaas lagu dilay howlgalka ay ciidamada Kenya ka fuliyeen xarunta ganacsiga Westgate.
Ragga la aqoonsaday ayaa labo ka mid ah waxay xiriir la lahaayeen ururka Al-Qaacida halka ninka seddexaadna uu xiriir la lahaa kooxda Al-Shabaab.
Weerarka oo lagu dilay 67 qof oo rayid ah ayaa waxaa ku faantay oo sheegatay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com