|

Kenya oo Meesha ka Saartay inay Ciidamadeeda kala Baxayso Somalia badalkeedana Cadaysay inay Kordhin doonaan Ciidanka ka Jooga Somalia

Nairobi 03.April 2014 (SDN)-Wasiirka gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay inaysan ciidamadooda kala soo bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta lagu guuleysanayo soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

Raychelle-OmamoWaxay sheegtay in sanadka 2014 uu yahay kii lagu soo afjarayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Inkastoo aysan sheegin tirada haddana waxay caddeysay inay Kenya kordhin doonto tirada askarteeda ka howlgalaya Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa codsi ka yimid AMISOM.

Raychelle Omamo ayaa sidoo kale xustay in aan la joogin markii laga wadahadli lahaa in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, balse taas beddelkeeda loo baahan yahay in la dardargeliyo howlgallada milateri ee ka dhanka ah argagixisada.

Kenya ayaa ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011, si ay uga hortagto kooxo ay ku tilmaantay argagixiso oo halis ku hayay ammaankeeda.

Nairobi SDN.

Qurbejoog@gmail.com

 

Comments are closed