Kenya Oo Lagu Qanciyey Inay Ciidankeeda Kala Baxdo Kismayo Oo Muddo Gacanta Ku haysay
Nairobi:22-March-2014(SDN)-Isku Dayo Badan oo Muddo soo Socday, waxa ay Midowga Afrika ku Guulaysteen inay Ciidanka Kenya ee ku sugan Kismaayo Ka Wareejiyaan.
Ciidanka Dawladda Kenya ayaa muddo ku sugnaa Magaalada Dekedda leh ee Kismayo, waxana ay halkaas ka Saareen Kooxda Alshbaab oo ku sugnayd Dagaal Khasaare Keenay kadib.
Wasiiradda arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Kenya, Cabdiraxmaan Beeyle iyo Sara Axmed Maxamed ayaa arrimahaas iyo kuwa kale kaga hadlay shir ay ku yeesheen maalin ka hor magaalada Nairobi.
Magaalada Kismaayo waxaa shaley gaadhay ciidamo ka socda dowladda Burundi, kuwaasoo la sheegay in ay badalayaan ciidamada Kenya ee halkaas joogay.
Ciidamada Kenya oo qayb ka ah kuwa AMISOM ayaa loo badalayaa deeganno kale, sidda ay sheegtay AMISOM.
Maamulka KMG ah ee Jubba, ayaa weli diiddan in ciidamo Burundi ah la keeno Kismaayo balse arrintaas waxa ay u muuqataa mid la laalay oo lagaga Gacan sarreeyo Maamulkaas oo Taageero Badan ka Helayey Ciidanka Kenya.
Kenya waxaa lagu eedeeyay in aaney dhab ka ahayn howlaha Soomaaliya ay u joogto oo dano iyo bartilmaameed gaar ah ay lahayd.
Cadaadiskan ku Yimi Kenya ee la xidhiidha in laga Saaro Kismayo, ayaa waxa abaabulayey oo Hoosta ka wadday Ethiopia oo Aaminsan in Halkaaasi Hoy u Noqotay Xooggaga ONLF oo Dagaal kula Jira Dawladda Ethiopia.
S.D.N