|

Kenya oo ka Digtay Weeraro argagixiso oo dalkeeda lagu bartilmaameedsado

Nairobi 23.Aug 2013 (SDN)- Dowladda Kenya ayaa shalay ka digtay weerarro argagixiso oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ka geysato magaalo-xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Madaxa ciidanka booliska Mombasa Robert Kitur ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay heleen xog qarsoodi ah oo muujineysa in ay Al-Shabaab qorsheyneyso weerarro argagixiso oo inay ka fuliso qeybo ka tirsan Mombasa.

Robert Kitur ayaa sheegay in maleeshiyada ay dooneyso in weerarrada ay ugu aarguddo Sheekh Aboud Rogo oo 27-kii August ee sanadkii hore ay rag hubeysan oo aan lagaraneyn ku dileen Mombasa, iyagoo ku beegaya sanad-guuradii koowaad ee dilkiisa.

Taliyaha ayaa tilmaamay inay adkeynayaan ammaanka dalka Kenya, isla markaana aanay oggolaan doonin dibadbax lagu xasuusanayo Sheekha oo ay dhigaan taageerayaashiisa.

mombasa-300x205Dilkii Sheekh Aboud kaddib, magaalada Mombasa oo 70 boqolkiiba dadka ku nool ay musliim yihiin waxaa ka dhacay dibadbaxyo ay dad ku dhinteen.

Dowladaha Kenya iyo Mareykanka ayaa inta aan la dilin Sheekha ku eedeeyay inuu taageero Al-Shabaab.

Booliska dalka Kenya ayaan weli soo qaban dadkii ka dambeysay dilkii Sheekh Aboud Rogo.

Nairobi SDN.

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed