|

Kenya oo ka dalbatay dowladda UK in ay ku gacan siiso dib u celinta qaxootiga Soomaalida

Kadib shirka arimaha Soomalida markii uu ku soo gabagaboobay Guriga Lakastar ee Magaalada London ku yaala ayaa si gaar ah waxaa u kulmay Qaar kamid ah hogaamiyaasha Africa iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron,iyagoona ka arinsaday arimo ay ka mid yihiin xaalada Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhurru Kenyata ayaa isagoo ka faa’ideysanaya fursad kulanka uu la qaatay David Cameron,wuxuu u dirsaday codsi ah in laga gacansiiyo sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee jooga dalka Kenya dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya,Maadaama uu ku andacooday in deegaanadooda laga dareemayo xasilooni iyo Nabad.David Cameron ayaa ku ammaanay dowlada Kenya sida hagar la’aanta ah ay u gacan siiyeen Soomaaliya,isagoona farta ku fiiqay howlgalka AMISOM ay qeybta ka yihiin ciidamo Kenya ka socda iyo howlgalkii ay ku qabsadeen Kismaayo oo ahayd Magaalo ay ku xooganaayeen Al-shabaab.Madaxweynaha Kenya oo markiisii ugu horeysay ah tagitaanka Ingiriiska tan iyo markii Afartii March lagu doortay doorasho aan qancin Musharaxiintii la tartamayay,ayaa isagoo dacwadi ay ka taalo ICC,wuxuu Xukuumada London ku adkeeyay inay caawiso qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalkiisa.

Wuxuu hoosta ka xariiqay Uhuru in Buux dhaafka qaxootiga ajanabiga Kenya ay caqab ku tahay amaanka,isagoo si gaar ah u sheegay in dadkaasi ay ku soo dhuumaleysanayaan dadka falalka amaandari wada.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Kenya ayaa London kula kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay gaar ahaan kuwo qaabilsan arimaha qaxootiga,isagoona ku booriyay inay gunta dhiisha isaga dhigaan samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku dhaqan.

Comments are closed