|

Kenya oo ka dalbadatay Soomaaliya in ay xubno ku darsato Guddida dib u celinta Qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya

Nairobi Feb 12,2014(SDN)-Wasiirka arrimaha Guddaha ee dalka Kenya Joseph ole Lenku ayaa ka dalbada dawlada Soomaaliya in ay xubno ku soo darsato guddi ka shaqeysa sidii qaxootiga Soomaaliya dalkooda loogu celin lahaa.

Lenku ayaa saxaafada u sheegay in Kenya iyo ha’ada qaxootiga u qaabolsan QM  ee UNHCR ay guddi ay u saareen dib u celinta Qaxootiga Soomaalida diyaar yihiin ayna sugayaan Soomaaliya in ay cid u soo magacawdo Gudida.

Wasiirka arrimaha Guddaha ee Kenya ayaa sheegay in ilaa intii la isla qaatay in qaxootiga Soomaalida ee Kenya ku nool in dib loogu celiyo dalkooda ay noqdeen 100,000 oo Soomaali ah.

“Dib u noqoshada qaxootiga Soomaalida waxa ay gacan ka geysaneysaa dib u dhiska Soomaaliya ee dhinacyada horumarka iyo koboca dimuqraadiyada”ayuu yiri Lenku.

Waxa uu wsiirku sheegay in Kenya ayaa dhibaato faro badan oo dhan walba leh kala kulantay marti gelinta qaxootiga faraha badan ay ay marti gelisay.

UNHCR ayaa dhankeeda dhawr jeer ku celcelisay in dib u noqoshada qaxootiga Soomaalida aaney noqon mid khasab ah.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed