|

Kenya Oo Ka Cadhootay Dawladda Somalia, Heshiisna La Gashay Maamulka Jubba Land iyo Nuxurka Arrinta La Isku Hayo

Nairobi:Aug,17,2014(SDN/QJ)-Warar sheegaya in Xukuumadda Kenya ay si weyn uga Cadhootay dhiggeeda Somalia, isla-markaana ay Xidhiidh dhaw la samaysatay Maamulka Jubba, ayaa waxa Baahisay Warbaahinta Dalka Kenya kasoo Baxda.

juoWargeyska The Star ee kasoo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya mas’uul ka tirsan wasaaradda arrimaha dibbadda Kenya ayaa ku waramaya in xukuumadda Nairobi ay ku eedeysay dawlada Soomaaliya inay ku guul daraysatay fulinta ama dhaqan galinta heshiiskii ahaa in qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya mudada dheer ku noolaa dib loogu celiyo dhulkoodii Hooyo.

Mas’uul aan magaciisa wargeysku shaacin oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibbadda Kenya ayaa u sheegay wargeyska warkan qoray ee The Star in guddiga ay dawlada Soomaaliya u xil saartay dhaqan galinta heshiiska inay ku guul daraysteen gaadhista go’aano wax ku ool ah oo keeni kara in dalka Soomaaliya dib loogu soo celiyo nus malyan ruux oo qaxooti Soomaali ah oo xeryo qaxooti ku jira oo Kenya dhexdeeda ah ku jira.

Sargaalkan u hadlay dawlada Kenya waxaa uu sheegay in hadda xukuumadiisu wado qorshe ay heshiis cusub oo qaxooti celin ah kula galayaan maamulka ku meelgaadhka ah ee Jubba.

“Heshiiskan dhaqan galkiisa dawlada Soomaaliya madax furasho kuma haysan karto sababtoo ah diyaar uma aha inay dhaqan galiso” ayuu sargaalka u hadlay wasaaradda arrimaha dibbadda Kenya sheegay, waxaana uu intaa ku daray inay hadda maamulka Jubba kala xaajoonayaan inay qaabilaan qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool mar haddii dawladu mas’uuliyadeeda qaadan wayday.

“Waxaan idiin sheegayaa in dawladeena Kenya aanay ku faraxsaneyn in heshiiskaas uu dib u dhac ku yimaado waana in loo dhaqan galiyaa sidii loogu ballamay” ayuu yidhi mas’uulka dawlada Kenya u hadlay.

 

Warbaahinta dalka Kenya ayaa baahisay inuu dib u dhac ku yimid kulan Jimcihii Nairobi ka dhici lahaa oo la qorsheeyay inay ka qeyb galaan mas’uuliyiin dawladaha Soomaaliya iyo Kenya ka kala socda iyo ergo hay’adaha samafalka matalaya.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed